berberatoday.com
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Udiray Qoysaska Taliyihii Iyo Taliye Kuxigeenka Degmada Gar Adag Oo Dablay Hubaysani Jidgooyo Ku Dileen Amar Adag Kasoo Saaray
April 30, 2019 - Written by Berbera Today

“Madaxweynuhu Waxa Uu Laamaha Amniga ku Amrayaa Inay Gacanta ku Soo Dhigaan Gacan ku Dhiiglayaashii Gaystay fal Denbiyeedkaasi”

29/04/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-

  1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
  2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay galabta dablay xubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews