Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Fulisay Muwaadin Lagu Eedeeyay Inuu Diinta Islaamka Af-lagaadeeyay
April 30, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta Xukun Xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ka mid ahaa Macalimiinta Somaliland.
Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) ayaa Maxkamaddu ku xukuntay laba sanadood iyo Lix Bilood oo xadhiga ah, sida uu xaqiijiyey Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee xukumay.
Muwaadinkan Xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka iyo Alleheena Weyn Subxaana Watacaalaa, ka dib markii uu Qoraallo Aflagaado ku ah Diinta ku baahiyey Warbaahinta Internet-ka, sida Facebook.