berberatoday.com
Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Jawaab ka Bixisay Eedayn Xisbiga Waddani Ujeediyey
April 30, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedayn uu dhawaan u jeediyey Masuul ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kaasoo naqdiyey sida ay ruqsadaha iyo qandaraasyada wasaaraddu ku siiso geerashyada qaar iyo wershad lagu sheegay inay qiimayn doonto tayada gaadiidka.

ISMAACIIL CALI AXMED MADAXA WARBAAHINTA WASAARADDA GAADIIDKA SOMALILAND

ISMAACIIL CALI AXMED MADAXA WARBAAHINTA WASAARADDA GAADIIDKA SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hase-yeeshee, war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo uu ku saxeexnaa Madaxa Warbaahinta ee wasaaraddaas Ismaaciil Cali Axmed, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com maanta, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Dhawaan warbaahinta madaxbanaan waxaa soo gaadhay eedayn ka dhan ah wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uga timid xubin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka waxa lagu aasaasay xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Xukuumadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad,.

Hadaba, sida ku cad Qodobka 94 ee Dastuurka Somaliland, iyo sidoo kale Qodobada 21 iyo 22 ee xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukumadda iyo Hayaddaha Madaxa Bannaan Xeer L/r 71/2015 ayaa qeexay xilka, waajibaadka awooddaha wasiirka.

Sidaas darteed, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku ma isticmaalin awood ka baxsan Dastuurka iyo xeerarka Dalka.

Waxaa xusid-mudan, in Cabdi Haybe oo ah masuulka eedaynta soo jeediyay  ku sifaysan yahay shakhsi awoodiisii wasiirnimo ee Wasaaradda Caafimaadka ku qabsaday MCH Tuuladda Gumar wakhtigu ahaa wasiirka caafimaad, ilaa maantana deegaanka tuuladda Gumar khilaaf u dhaxeeyo.

Sida uu waajibiyay Xeerka Waddo-marista Gaadiidka Xeer L/r 56/2013 Qodobadiisa 47, 37, 38, 84, iyo 81 oo waajibinaaya Baadhista Gaadiid  iyo Q76 Xawaaraha Gaadiidka.

Xubintaas, waxaa iskaga qasmay xulashada geerashyada (Workshops) iyo Ruqsad-siinta Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka. Guddiga Qandaraasyadda Qaranka JSL ayaa soo xulay shirkaddaha fulinaya Baadhista tayadda gaadiidka laakiin wasaaraddu waxay siinaysaa ruqsad, 7 workshop  ayaa la siinaya  ruqsadda, Cid u wasiirku kula shuraakoobayna ma jirto. ‘Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolof ka dhacday’.

Odaygu hadii uu hayo caddaymo ku filan ha u soo bandhigo shacabka, hadii kale waa lagula xisaabtimi.

Sida ku cad Xeerka Wada marista Xeer L/r 56/2013 Q4 farqadiisa 1aad xaraf (x), Golayaasha Deegaanka ayaa awood sharci u leh Ganaaxa Gaadiidka wadooyinka magaalooyinka, sidoo kale Q4 Farqadiisa 3aad xaraf (KH), Wasaaradda Gaadiidka ayaa awood sharci u leh Ganaaxa Gaadiidka wadooyinka ka baxsan Magaalooyinka ,

Xubintaas, waxaa ka muuqata aqoon-daro sharci iyo maamul  iyo Mucaaridnimo cilmi iyo caqli midna aan  ku dhisnayn.

Sidaas-darteed ma joogno Somaliland British protectorate ee waxaa fiican in aad aqoon fiican u yeelato shuruucda Dalkaaga. Ismail Ali Ahmed –Madaxa xafiiska Warbaahinta W.G.& Hor.Jidadka.” sidaa ayaa lagu yidhi warkaas qoraalka ah ee wasaaradda gaadiidka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews