Xukumadda Somaliland Oo La Sheegay Inay Shirkad Ajanabi Ah Ku Wareejinayso Keenista Shidaalka
April 30, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva,ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah,
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keeno shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka,