berberatoday.com
Dagaal Culus Oo Xalay Ka Holcay Magaalada Tripoli Ee Dalka Liibya
May 3, 2019 - Written by Berbera Today

Tripoli(Berberatoday.com)-Dagaal culus ayaa xalay ka holcay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, ayada oo midna dhinacyada dagaalamaya uusan xaqiijin inuu qabsaday furimo hor leh.

Dagaalka ayaa qeyb ka ahaa weerarka shan toddobaad jirsaday ee hoggaamiya Bariga Libya, Khalifa Haftar uu doonayo inuu ka qabsado magaalada.

Ciidamada Qaranka Libya ee uu hoggaamiyo Haftar oo xulufo la ah dowladda ka dhinac dhisan tan la aqoonsan yahay ee Libya, fadhigeedana uu yahay magaalada Benghazi, ayaa askar dheeraad ah keenay furimaha dagaalka.

Hase yeeshee kuma guuleysan inay jebiyaan difaacyada koonfureed ee ciidamada dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee Tripoli.

Dagaalka xalay ayaa ilaa saaka ka socday agagaarka garoonkii hore ee diyaaradaha ee magaalada, hase yeeshee dhufaysyada labada dhinac ayaanay waxba iska beddelin, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Haftar ayaa horaantii toddobaadka kasoo siqay mid ka mid ah jiidaha dagaalka, hase yeeshee waxaa dib u caabiyey ciidamada dowladda Tripoli oo dhisay dhufaysyo culus oo ay ka mid yihiin kuwa laga sameeyey konteenaro.

Ciidamada Tripoli ayaa sidoo kale qabsaday dhul cusub hase yeeshee dadka taxliiliya dagaalka ayaa sheegay in halista ciidamada Haftar ay jiri doonta inta ay gacanta ku hayaan saldhigga ku yaala Gharyan, oo ah magaalo 80 km koonfur ka xigta Tripoli.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews