berberatoday.com
“Magaranaayo Hadal Ka Fool Xun Oo Qof Siyaasiyi Kula Hadlo Madaxweyne Umadeed, Odhaahdii Maxamed Kaahin Kula Hadlay Madaxweyne Riyaale Ee Ahaa Dhangad Baan Kaga Soo Saari Madaxtooyada”Nuuradiin Ibraahim Awcabdi
May 3, 2019 - Written by Berbera Today

Magaranaayo Hadal ka fool xun oo qof siyaasiyi kula hadlo Madaxweyne Umadeed,

odhaahdii Maxamed Kaahin kula hadlay Madaxweyne Riyaale ee ahaa Dhangad baan kaga soo saari Madaxtooyada in si fudud loo yidhaa waan dhangadaynayaa Madaxweyne qaran ma jirto odhaahdaa mid ka liidata oo lagu Aflagaadeeyo Madaxweyne hadan lama xidhin lamana jidhdilin xoriyadiisiina laguma xadgudbin ee waxa la qiimaynaayay oo la ilaalinaayay xoriyada hadalka iyo nidaamka dimuquraadiyadeed ee dalka waxa la taabagalinaayay hirgalinta Xisbiyada Siyaasada Sidaasi ayaa lagu dhaafee muu ahayn Sanam laga baqdo ee Sidii Gaboose iyo Maxamed Xaashi ayaa Xabsiga la dhigi laa se waxa lagu dhaafay Xisbinimada.

Eed ka Culus ama ka weyn wali ma dhicin lamana maqal tii uu u jeediyay Gudoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani Wasiirka Warfaafintu Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ee ahayd Waddani waa Cadowga Somaliland waxaana loo samaystay burburinta Somaliland, Eedaasi waa Eed weyn mana jirto cid ku qabsatay se cidii masuulka ka ahayd Amniga qaranku talaabo kamay qaadin, hadaanay kula soconba ilayn Afkooduu ku hadlaaye, waana mid aan lagaga hadhi doonin Xisbiga Waddanina wuxuu ka gudbin Doonaa Dacwad Idaari ah oo Tijaabo adag ku noqota Dastuurka Dalka.

Gudoomiye Maxamed Siddiiq Dhamme muusamayn wax ka Ceebo weyn waxa ay Sameeyeen labadaasi Wasiir, tiisu kaliya waxa ay ahayd Dhaliil adag, se waxa muuqata in kartidiisa, badheedhihiisa, doorkiisa siyaasadeed la dhibsaday loona quudhi waayay Xadhiga Dhamme la xidhay waa mid Mabda’a oo sharafeed, tacadiga qofeed ee loo geystayna waa mid uu ku dalacaayo ee maaha mid waxyeelo ku ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews