berberatoday.com
Sheekh Zakir Naik Oo Dacwad Lagaga Soo Oogay Hindiya
May 3, 2019 - Written by Berbera Today

India(Berberatoday.com)-Dacwad oogeyaal reer Hindiya ah ayaa wadaadka dadka wacdiya ee Zakir Naik ku soo oogay dacwado la xiriira lacago sharci darro ah.

Zakir oo dibad joog ah ayaa lagu eedeeyay in uu helay hanti sharcidarro ah oo gaaraysa 28 milyan oo doolarka Maraykanka ah, balse eedayntaas ayuu diiday.

Masuuliyiinta Hindiya ayaa sidoo kale ku eedeeyay in uu nacayb faafiyo isla markaasna kicinayo argagixisada.

Zakir oo 53 jir ah ayaa faafiya aragtidiisa Islaamnimada ee uu ku dhagan yahay isaga oo ka sii daaya telefishinka Peace TV. Hindiya ayaa laga mamnuucay balse waxaa dunida kale ka daawada dad lagu qiyaasay 200 oo milyan oo ruux.

Peace TV ayaa laga daadihiyaa Dubai waxaana iska leh Mu’asasadda Cilmibaarista Islaamka oo ah koox uu hoggaamiyo Zakir.

Waxaa jira dalal kale oo telefishinkaas mamnuucay waxaana ka mid ah Bangladesh oo ku eedaysay in uu yahay meeshii uu ka shidaal qaatay mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee weerarka ku qaaday makhaayadda Dhaka ku taalla 2016, halkaas oo ay ku dhinteen 22 ruux.

Xafiiska ED ee dalka Hindiya oo baaritaan ku sameeya dambiyada maaliyadeed, ayaa dacwad ka dhan ah Zakir geeyay maxkamad ku taalla Mumbai Khamiistii.

Xafiiskaas ayaa maxkamadda u sheegay in uu ogaaday hanti malaayiin doolar gaaraysa oo dariiq sharci darro ah maray.

“Khudbadaha Zakir ee kicinta leh ayaa dhallinyaro badan oo Muslimiinta Hindiya ka mid ah ku qaaday in ay weerarro argagixiso oo qaab daran qaadaan” ayuu maxkamadda u sheegay xafiiskaas dacwadda soo gudbiyay ee ED.

Xafiiska ayaa ku eedeeyay in uu isticmaalay lacago laga helay “ilo shaki ku jiro” uuna ku gatay Hanti dalka Hindiya ku taalla, isla markaasna uu ku maalgaliyay “khudbado daandaansi ah”

Zaik ayaa sheegay in uu lacagahaas ku helay si sharci ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews