berberatoday.com
Maxamed Kaahin Oo Eedo Uu Hore Ugu Ganay Cabdiraxmaan Cirro Kaga Dareen Celiyey Erayo Hanjabaad & Dhalleeceyn Isugu Jira & Sababta Xilligan Keentay
May 5, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.ocm)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa si adag uga jawaabay eedo uu dhawaan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu u jeediyey oo uu ku sheegay in Wasiirku arrimihii ammaanka ee dalka uu kaga mashquulay doorasho laba xisbi ah oo Qaranka halis ku ah kaga mashquulay arrimaha ammaanka, islamarkaana Saraakiisha la dilay dhawr cisho dalbanayeen gurmad.

Haddaba, Wasiirka arrimaha gudaha ayaa arrintan ka jawaabay shalay mar uu warbaahinta uga warramayey hawlgal ciidanku ku soo qabteen rag iyo gaadiid loo heysto dilkii Labada Sarkaal ee dhawaan lagu dilay Gobolka Sanaag.

Wasiir Maxamed Kaahin oo ugu horreyn ka jawaabaya dilkaasi iyo sida ay uga hadleen Xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi, “Intii falkani dhacay waxyaalo faro badan ayaa saxaafada laga sii daayey oo gaar ahaan Xisbiga Waddani ayaa ka sii daayey oo ah Xisbi Qaran, markaa labada Sarkaal ee dhintay Kulmiye, Waddani, Ucid maaha ee waa Saraakiishii Qaranka, haddii shalayto Waddani heli lahaa dawladnimada inay maamulaan saraakiishan masuuliyadooda ayey ahaan laheyd”. Wasiiku waxa uu intaasi ku daray, “Sifo nabadgelyo darro sii abuureysa, isagoo shaqsiyaad u jeeda, iyo isagoo Xukuumadda u jeeda, iyo isagoo Shicib u jeeda intaba si dhaawac nabadgelyo abuuraysa ayuu u hadlay oo waxa ka mid ah Maxamed Kaahin intaasi oo jeer baa loo sheegay, waa Been oo laba talis ayey ka tirsanaayeen oo labada talis xaaladda carriga ka dhacday waa laga wada war hayey oo Badhasaabka Gobolku Ceel-af-weyn ayuu joogay, Saraakiil ciidammada Booliska iyo Qaranku way joogeen, xaaladaasi qaylo-dhaan aniga igu soo dhacaysay may jirin ee Cirro wuxuu u jeeday Aniga iyo xukuumadda, isagoo waxyaalo kale iga sheegi karayey ayaa sababta uu aniga iigu jeeday waxay aheyd Nimankan hawsha fuliyey (Dilkii Saraakiisha) in aanu isir waddaagno, iyo qoladaa iyo Beesha Borama ee ay ka soo jeedeena wuu ujeeday inuu colaad kala dhex dhigo oo uu is leeyahay Mucaarid ciddi ha noqoto aad wax ka faa’idide wuu ujeeday, arrintu se waxay aheyd arrin nasiib darro ah oo Qaranka ku dhacday oo aanay ciddi talo ka waddaagin, Raggii hawshaasi fuliyey inay iyagu arrinkaasi fuliyeen oo nabadgelyo darro Qarankan ku dhacday ayey aheyd”.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu ku eedeeyey inuu ka soo hor jeestay Qaranka, “Saddexda Gole Qaran waxa dawladnimada la waddaaga oo kale saddexda Xisbi Qaran, markaa isagu (Cirro) waxay aheyd inuu mucaarid yahay oo mucaaridnimo wax u sheego, laakiin dhaawac haddii uu Qaranka ku dhaco inuu Qaranka la safto, laakiin waxa muuqatay in aanu maanta Qaranka la safaneyn ee Qaranka ka safan yahay ee wuxuu ka helaa ayuu leeyahay oo isagay jirtaa”.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay dareenka Dawladda ee dilka loo geystay labada Sarkaal, “Arrintan dawladdu indho Reer kuma eegayso, indho mucaarid lagu caddaadinayo kuma eegayso, indho cid gooni ah lagu eegayna kuma eegayso ee waxay keliya ee ay ku eegaysaa inta ay leeg tahay oo ah laba sarkaal oo Ciidanka ka mid ahaa ayaa la diley, Dabiilayaal arrinkaasi ku tallaabsaday ayaa dilay, dambigaasi ciddii gashay oo qudha ayey dawladdu u daba joogtaa, markaa Cabdiraxmaan Cirro haddii uu Reero ku arroorinayo, iyo haddii uu Aniga igu soo arroorinayo, iyo haddii uu Cid kale uu ku arroorinayo, isaga ayey yeelanaysaa oo waa la baadhaayaa oo arrintani meel bay tegaysaa oo baadhista ayuu isaguna ka mid noqonayaa xogta uu helay inay xog jirta tahay iyo ujeedadiisa bannaanka soo dhigto, waan ka xumahay isagoo Xisbi Qaran Madaxweyne ugu tartamey oo wali hankeeda leh oo wali doonaya inuu sifo sharci ah u sameeyo inuu sharciga ku gefo, oo waliba uu ku gefo sharciga uu Xisbi Qaran ku yahay, isagoo Shaqsiyaad ama dad kale u jeeda, taasina isaga ayey u taalaa oo waxa uu ka helo ayuu yeelanayaa”.

Dhinaca kalena, Wasiirku waxa uu difaacay eedo uu ku sheegay inuu Xisbiga Waddani u jeediyey Ciidanka, “Xisbiga Waddani waxa uu aad u eedeeyey Ciidanka Booliska waxaana dalka maamula Madaxweynihii shannaad oo Muuse Biixi ah oo hadda jooga, markaa Madaxweyne kasta oo yimaada waxay u yihiin Ciidan Boolis iyo Ciidan Qaran, siyaasadana kuma milmaan cid aanaan annagu doonayn oo aanu doonayno in aanu buquujino na Ciidanka Boolisku xaq uma laha noo buquujiyo, Ciidanka Boolisku waa Ciidan Qaran oo waxa loo dhiibtay inay xeerkaa, nidaamkaa iyo sharcigaa ilaaliyaan haddii uu Ninku ku gefona isaga ayey jirtaa, Ciidanka Booliska, Xeer ilaalinta, Maxkamadaha sharci ayey raacaan oo waad ogtihiin oo qaar bay dawladdu eedeysay oo markii maxkamadda la geeyey ay sii deysay oo dawladdii halkaasi ayey ka baxday oo sharciga ma leh, maxkamadana ma amarto oo sida ay u soo jeedisay ayey u soo qaadanaysaa, markaa waan ka xunahay Xisbigaa Qaran inuu Ciidammadii Qaranka eedeynaayo oo cadow iyo qaar aan dhex ahayn uu ka dhigaayo, Ciidamada Qaranku waa dhex oo siyaasada waa ka dhex oo waxa uu qudha oo qabanayaan ama fulinayaan waa sharciga, markaa Ciidanka Booliska aniga ayaa xukuma oo Cabdiraxmaan Cirro soo heli maayo warqad amar lagu siiyey oo ah hebel soo qabo, marka xayndaabka sharciga ayaanu xisbiyo ku nahay Ninkii ka baxaana isaga ayey u taallaa, beryahan dambena arrimahan socdaa waxa weeyi in aad iyo aad dhaawac loogu geysanayo arrimaha nabadgelyada oo ah dhaawac loo geysanayo Ummadda, markaa Ciidanka Boolisku xaq ayuu u leeyahay wixii dhaawac ummadda u geysta inuu tallaabo ka qaado”. Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews