berberatoday.com
Muhaajiriin Ku Nafwaayay Badda Udhaxaysa Turkiga Iyo Giriiga
May 5, 2019 - Written by admin

Turkey(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 7 qof oo ay ku jireen 5 carruur ah ayaa geeriyootay, kadib, markii ay doonidii ay la socdeen shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Gobalka Balikesir ee Galbeedka dalkaasi

Ilaaladda Xeebaha Turkiga ayaa sheegay inay heleen war ku aadan in Dooni ay la socdeen Muhaajiriin degtay, isla markaana ay bilaabeen Hawlgalka Baadi-goobka iyo Badbaadinta dadka ay la degtay doonida

Waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen 5 qof oo nool, soona saareen maydadka 9 qof oo kala ahaa  4 haween iyo 5 carruur .

Doonida degtay waxaa la sheegay inay la socdeen 17 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Giriigga.

Lama shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta ku geeriyootay iyo kuwa laga soo badbaadiyey Doonidii shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay Hawlgal ku soo qabteen iugu yaraan 550 Muhaajiriin ku sugnaa Gobalka Edrine ee W/galbeed ee dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Ilo dhanka Ammaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Jendermariiga iyo kuwa ilaaladda Xuduudaha waxay qaadeen Hawlgal ay ka fuliyeen  Degmooyinka Ipsala, Merik, Kesan Iyo Uzunkobru oo ka tirsan Gobalka Edrine.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolui ayaa sheegtay in Muhaajiriinta lagu soo xiray Hawlgalladaasi ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Morooko, Syria, Iraq, Iran, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh.

Muhaajiriintaasi la xiray ayaa la sheegay in la qabtay, xilli ay doonayeen inay tahriib ahaan ugu sii gudbaan dalalka Europe.

Ilaa 268,000 ooTahriibayaal ah ayaa lagu qabtay Turkiga Tan iyo sannadkii 2018-kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews