berberatoday.com
Somaliland Oo Sheegtay In Sweden Kaalin Ka Qaadan Karto Dhexdhexaadinta Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya
May 5, 2019 - Written by admin
Somaliland Oo Sheegtay In Sweden Kaalin Ka Qaadan Karto Dhexdhexaadinta Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray.

Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan.

Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho laakiin aanay u suurtagelin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews