berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaaka Oo Walaac Ka Muujisay Dad Xoog Lagaga Saaray Dhul Madaxtooyo Loo Qoondeeyey
May 5, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub.

17ka April 2019, booliiska iyo ciidanku waxaay si xoog ah uga saareen qoysaska dhulkan oo ku yaal koonfurta galbeed ee Hargeysa. Fiidyow la duubay xiligii dadka la saarayay iyo warysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay u cadeeyeen in Booliisku isticmaalay xoog aan daruuri ahayn markii uu dadka saarayay islamarkaana uu xidhay dad deganaa dhulka. Booliisku ma haysan waaran maxkamadeed. Dhulka doodu ka jirto waxa dayr ku wareejiyay ciiidanka militariga iyada oo loo diyaariyay in madaxtooyo laga dhiso, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu.

Dadka la xidhay markii danbe waa la sii daayay dhamaantood. Warbixino caafimaad iyo waraysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay ku ogaatay in dadka dhulka deganaa qaarkood dhaawac soo gaadhay markii laga saarayay.

Image result for Xarunta Xuquuqul Insaanka

Maxamed Cali Bile, Agaasimaha Madaxtooyadu, wuxuu sheegay in dawladdu awood u leedahay inay la wareegto hanti gaar loo leeyahay hadii ay u baahato dawladdu. Wuxuu qiray in dhulku ahaa mid dad shacab ahi leeyihiin.

“Dawwladdu muran kama qabto in dhulka shacab lahaa iyo inaan wax mag dhow ah la bixin,” ayay tidhi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Qodobka 31aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ilaalinayaa xaqa lahaanshaha hanti gaar ah. Dastuurku wuxuu sheegayaa hantida gaar loo leeyahay “lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Dastuurku wuxuu waajib ka dhigayaa in la asnxiyo xeer “xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la  wareegidda hanti gaar-ahaaneed.”

“Hada ma jiro xeerkaasi, wax magdhow ahna lama siin dadka dhulka leh. Dawladdu hanaan ay u raacday dhul la weerigistaas ma jiro. Ciidan ayaa goobta la keenay iyana dayr ayay ku wareejiyeen dhul wayn oo 4 KM ah. Xoog ayaa lagaga saaray dadkii lahaa,” ayay ku dartay Yaasmin.

“Falka caynkan oo kale ahi hore inooma soo marin. Qoysas ayaa dhulkooda debedda looga turay. Dhisidda qasri madaxtooyo maaha arin daruuri ah. In qoysasku helaan hoy ayaa ka mudan. Waxaayna dadkani u haystaan dhulka dhukumentiyo sharci ah oo lahaanshohooda sugaya. Dawladda waxa ku waajib ah inay sharciga raacdo,” ayay ku dartay.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay ixtiraamto xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed ayna u ogolaato dadka dhulka lihi inay dib ugu soo noqdaan dhulkooda.

Yasmin Omar H Mahmoud.

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews