berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Nabadda Iyo Wada-Jirka Dhexdooda Ilaashadaan Iyo Fariinta Uu U Diray Warbaahinta!
May 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-War Qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada somaliland ayaa lagu baahiyay hadal qoraal ah oo madaxwyne muuse biixi kaga hadlay xaalada deegaanadii lagu soo rogay bandooga iyo Waajibaadka ciidama qaranka ee halkaasi ku sugan iyo fariin uu udirayo warbaahinta dalka iyo shacabka wuxuna udhignaa sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka dhexdooda ah, islamarkaana ay meel ugu soo wada jeestaan wax kasta oo ammaanka qaranka khal-khal ku keeni kara.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, ayaa si gaar ah diiradda u saaray qiimaha ay nabaddu leedahay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in mar kasta oo ay dhibi dhacdo in ciidamada iyo shacabka waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada, isaga  oo caddeeyey in ciidamada qaranka ee ku sugan degmooyinka Ceel-Afweyn, Ceerigaabo iyo Gar-adag ay tahay ilaalinta nafta iyo hantida bulshada halkaas deggen, waxana uu yidhi, “Waxan idin xasuusinayaa walaalayaal inay nabadgelyadu tahay tiir-dhexaadka aynnu ku dhisannahay, qof walibana uu halkiisa uga guntado. Saddexda degmo ee imika dhibaatadu ka jirto oo dad badani si qaldan uga bixiyeen in nabadgelyada la sugo, waxan leeyahay marka ay dhibaato dhacdo waxa waajib saaran yahay qaranka, xukuumadda iyo shacabkaba in nabadgelyada gacmaha oo dhan la isugu geeyo, ciidamada halkaas loo dirayna waxa qudha ee ay qabanayaan waa inay ilaaliyaan nafta iyo hantida ummadda Somaliland iyo amniga guud, dalkana inay wax u taraan mooyaane wax hadimo ah ma wadaan.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews