Dawlada Xamar Oo Soo Bandhigtay Hal Sabab Oo Ay Somaliya Uga Mamnuuci Wayday Shirkadda DP World.
May 6, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa hal arrin u sababeysay inan lagu deg degin shirkadda DP World dalka in laga mamnuuco, iyadoo shirkadda ay maamusho dekeddo ku yaalla Berbera iyo Boosaaso.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababta uusan madaxweyne Farmaajo ugu raacin Baarlamaanka go’aanka ay dalka uga mamnuuceen shirkadda fadhigeeddu yahay Dubai ee DP World, wuxuu sheegay in xukuumadda iyo madaxtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go’aankaasi oo uu ku tilmaamay mid ay curiyeen xildhibaannada golaha shacabka.