berberatoday.com
Deegaano Ka Tirsan Dalka Somaliya Oo Aan Maanta Laga Soomin Iyo Sababta
May 6, 2019 - Written by admin

Galmudug(Berberatoday.com)-Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo laga sooman yahay Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka ayaa deegaano ka tirsan Galmudug ayaa maanta laga soomin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka kaga dhawaaqay in maanta ay u tahay 30 isha Shacbaan, isla markaana maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan ay tahay berri oo Salaasa  ah.

Guddi loo saaray xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaan ayaa ku dhawaaqay in aysan arkin bisha Ramadaan, sidaas darteed ay dhameystirayaan 30-ka Shacbaan.

Sheekh Nuur Cilmi Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaan ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in berri ay tahay Soon, balse maanta ay dhameystirayaan 30-ka bisha Shacbaan.

Hase ahaatee deegaanada qaar ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa la soo sheegayaa in laga sooman yahay, sida deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Deegaanada ay horay gacanta ugu hayeen Culimada Ahlusuna ee ku biiray Ahlusuna ayaa sanadihii u dambeeyay caan ku aheyd khilaafka bilashada bisha Ramadaan iyo maalmaha Ciida oo ay inta badan ka dib dhici jireen Soomaaliya iyo Caalamkaba.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews