berberatoday.com
Hay’adda Shaqaalaha Oo Si Adag Uga Hortimid Shaqaale Uu Komishanka Doorashooyinku Sifo Sharci Darro Ah Ku Eryey Iyo Nuxurka Qoraal Maxkamadda Sare La Gaadhsiiyey! K
May 6, 2019 - Written by admin

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Caydhiyey Shaqaale Dayn Ku Yeeshay Iyo Hanti-dhawrka Oo Amar Kasoo Saaray!

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa si adag uga jawaabtay go’aan Komishanka Doorashooyinku Qaranka Somaliland shaqada kaga eryey laba shaqaalaheeda ka mid ah, kuwaas oo sida hay’addu caddaysay qaabka kaliya ee shaqada lagaga saari kara

Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa 16/09/2017 waxay soo saareen go’aan Guddidoodu soo saartay laakiin uu ku saxeexan yahay gooddoomiye Cabdiqaadir Iimaan oo kaliya, kaas oo sida ka muuqata aanay xubnaha kale ku waafaqsanayn.

Mar aanu isku daynay inaanu Komishanka doorashooyinka qaranka wax-ka weydiino arrintan ayaanay noo suurtogelin, hase yeeshee, sida ay muujinayaan qoraallada kasoo kala baxay Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Hay’adda Shaqaalaha, labada xubnood ee shaqada laga eryey aan loo cuskanin sababo macquul ah shaqo ka caydhintooda, taas oo keentay in labadan hay’adood ay iska hor yimaaddaan, isla markaana uu dhexdooda yimaaddo muran sharci oo ah aan xal laga gaadhin.

Qoraalka Komishanka doorashooyinka ee uu ku saxeexan yahay Guddoomiyuhu ayaan lagu sheegin wax sabab ah oo ay shaqada kaga caydhinayaan Muwaadin Daahir Cawaale Jaamac iyo Siciid Yuusuf Jaamac oo ka hawlgeli jiray xarunta Komishanka doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Komishanku waxa kale oo uu caddeeyey in ay shaqada ka saareen xubnahan, laakiin agaasimaha Komishanka ayuu ka dalbaday inuu waafaqiyo sharciga si uu cudur-daar ugu sameeyo arrintan.

Qoraal jawaab celin ah oo kasoo baxay Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland oo si toos ah loogu socodsiiyey Komishanka doorashooyinka, si dadbanna loogu wargeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in labada xubnood ay yihiin shaqaale rasmi ah oo galay Imtixaankii Shaqaalaha Dawladda, qaabka erigoodana loo mari karayo shuruucda dalka oo kaliya.

Hay’adda shaqaaluhu waxay caddeeyeen in shaqaalahani ay ka tirsan  yihiin Shaqaalaha Dawladda oo go’aanka Komishanku uu sharciga baal-marsan yahay, laakiin Komishanka doorashooyinka ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaas, waxaanay muddadaas labada sannadood ku dhow ay labadii shaqaalaha ahaa joogaan bannaanka iyagoo hay’adda shaqaalaha uga diiwaangashan shaqaale rasmi ah balse Komishanku aanay wali u ogolaanin inay xaruntooda soo galaan.

Sida laga fahmi karayo qoraalka hay’adda shaqaalaha, waxa wali Komishanka Doorashooyinka qaranka soo gaadha mushaharka labadan muwaadin maadaama ay hay’adda Shaqaaluhu u aqoonsan tahay shaqaale rasmi ah oo ay qoraal ku caddaysay, laakiin muddadaas labada sannadood ah ma jiro wax mushahar ah oo ay qaateen.

Qoraalka Hay’adda shaqaalaha ee halkan ku lifaaqan, waxa kale oo uu ka codsanayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare inuu fasiraad cad ka bixiyo qodobbada sharci ee ay ku muransan yihiin Komishanka doorashooyinka qaranka.

Inkasta oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, nuqul ka mid ah la gaadhsiiyey xafiiskiisa oo ogeysiin uu ku lahaa qoraalka Hay’adda Shaqaalaha, haddana ma jiro wax tallaabo ah oo la xidhiidha arrintan oo uu qaaday.

Dhinaca kale, mid ka mid ah labadan xubnood ee shaqaalaha ah ayaa waxa uu dayn ku leeyahay Komishanka doorashooyinka Qaranka, taas oo uu soo caddeeyey Hanti-dhawrka guud ee qaranka oo amray in lacagtiisa la siiyo.

Lama garanayo in erigani uu dabada ku hayo dayntan oo ka maqan Muwaadin Daahir Cawaale Jaamac, taas oo iskugu jirta gunnooyin shaqooyin dheeraad ah oo uu qabtay iyo buugaag sharci oo uu curiyey oo markii hore lagala heshiiyey.

Labadan muwaadin ayaa waxay madaxweynaha Somaliland iyo hay’adaha sharciga ee dalka ka codsadeen in arrintooda lasoo dhex-galo oo xuquuqda shaqaalenimo ee Komishanka doorashooyinku ka duudsiyey looga qaado.

“Muddo laba sannadood ah ayaanu mushahar la’nahay, hay’adda dawladduna waxay noo sheegtay inaanu nahay shaqaale rasmi ah ee aanu xaruntii aanu ka hawl-gelaynay tagno, laakiin Komishanka doorashooyinku waxay noo sheegeen inaanaan shaqaale u ahayn. Waanu dhibaataysanahay.” Sidaas ayay yidhaahdeen labadan muwaadin oo tirsanaya tacaddi badan oo Komishanka doorashooyinka qaranku kula kacay.

“Way ka fursan weyday inaanu warbaahinta nimaadno, sababtoo ah, xuquuqdayadii ayaanu raadinaynaa, waxaananu madaxweynaha qaranka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ka codsanaynaa inuu arrintayada wax ka qabto.” Ayey mar kale yidhaahdeen.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews