berberatoday.com
Mareykanka Oo Ay Cabsi Xoogani Ka Soo Waajahdey Iran Iyo Maraakiib Ciidan Oo Uu Bariga Dhexe U Diray
May 6, 2019 - Written by admin

Washington(Berberatoday.com)-La taliyaha arrimaha ammaanka Mareykanka, John Bolton, ayaa sheegay inay ka falcelinayaan xiisadaha iyo digniinada muujinayo dagaalka.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli ay jiraan warar sheegayo suurtagalnimada ah in weerar kusoo socda ciidammada Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo kaso xigatay sarkaal Amerikaan ah oo aanan magaciisu la sheegin.

Bolton waxaa uu ka dhawaajiyay in Mareykanka uusan dooneyn dagaal balse ay ka jawaabi doonaan tallaabo kasta oo dandaansi ah.

“Mareykanka ma doonayo inuu dagaal ku qaado Iiraan balse waxaan isku diyaarinay in aan ka falcelinno weerar kasta oo nalugu soo qaado, ha ahaadaan dalalka xulufada la eh, ciidammada kacaanka Iiraan ama ciidammada Iiraan” ayuu yifhi  Bolton.

Markabka dagaalka ayaa ku sugan Yurub, waxaa uu dhoola tus halkaasi kula sameynaya maraakiibta dagaalka ee xulufada Mareykanka tan iyo dabayaaqadii bishii hore.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda, Iiraan, Javad Zarif ayaa ku eedeeyay la taliyeyaasha Trump inay wadaan daandaansi militari.

Ma ahaan, markii ugu horreysay ee markabkan loo diro xeebaha Bariga Dhexe, si kastaba , arrintani ayaa imaaneysa xilli ay cirka isku shareertay xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex taagan Iiraan iyo Mareykanka.

Mareykanka waxaa uu joojiyay shidaalkii uu kasoo dhoofsan jiray Iiraan, sannadkii lasoo dhaafay madaxweyne Trump waxaa ka baxay heshiiskii Nukliyerka ee Tehran lala galay sannadkii 2015-kii.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews