8 Ruux Oo Ku Nafwaayay Shil Laba Baabuur Oo Isku Dhacay Inta Dhaxaysa Xamaas Iyo Lafaruug Ee Jidka Hargeysa Iyo Berbera Udhexeeye
May 7, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Inaalilaahi Wa Inaa lleehi Raajicuun Allah Ha Unaxariistee 8 Ruux oo shan kamidi rag yihiin iyo 3 Sadex Haweena ayaa Ku Nafwaayay Shil Laba Baabuur oo isku dhacay Inta udhaxaysa Tuulooyinka Xamaas Iyo Lafa Ruug meesha lagu magacaabo Miridha.
Gaadiidka Isku dhacay oo kala ahaa Baabuur Xamuula Iyo Baska shirkada Socdaalka ee Damal leedahay oo Burco Kusocday kana yimi dhinaca Magaalada Hargeysa Halka La sheegay in Gaadhi weynina Daba socday kana yimi Hargheysa kaas ahaa Gaadhi weyn waaraada ama Caydha Maydle Hadba Sidaad Utaqaano.