berberatoday.com
Akhriso”Waddamada Xilliyada Ugu Dheer Iyo Xilliyada Ugu Gaaban Laga Soomo Dunida
May 7, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta inta badan laga soomay dalalka caalamka, iyadoona ay kow tahay bisha barakeysan ee Ramadaan. Muslimiinta ku kala nool guud ahaan caalamka ayaa ku kala gedisan saacadaha la soomo, oo waxaa dalalka qaar laga soomaa wakhti ku dhaw 24 saac.

Wargeyska The Gulf News oo wax ka qoray saacadaha laga soomo dalalka caalamka ayaa daabacay liiska waddamada saacadaha ugu badan laga Soomo iyo kuwa laga soomo saacadaha ugu yar.

Wuxuu Wargeyska liiska ku xusay farqiga u dhaxeeya Salaadaha Subaxa ilaa iyo Makhhribka oo ah xilliga soonka uu billoowdo iyo xilliga la afuro.

Haddaba wali ma isweydiisay waddamada saacadaha ugu badan laga soomo iyo waddamada saacadaha laga soomo ay kooban yihiin?

Haddaba bogga wargeyska The Gelf News oo aan warbixintan ka soo xigannay ayaa wuxuu soo saaray shax dheer uu ku muujinayo magaalooyinka caalamka ugu waaweyn iyo saaadaha laga soomo.

Shaxda waqtiga laga soomo magaalooyinka waaweyn ee dunida

Wuxuu boggu farqiga saacadaha u dhaxeeya ka tixraacayaa salaadda Subax (Qorrax soo baxa) iyo Salaadda Makhrib (Qorrax dhaca) xilliyada la tukado iyada oo maanta oo Isniin ah oo ku beegan 6-da Bisha May ay bisha Ramadhaan ee sanadki Hijriyada 1440 ay bilatay.

Tusaale ahaan Murmansk iyo Ruushka 3 saacadood oo keliya ah ayaa mugdi ah cadceedduna waxay soo baxdaa 1:41 subaxnimo oo geeska Afrika ay u tahay saq-dhexe

Halka magaalada Ushuaia ee dalka Argentina ay tahay magaalada caalamka wakhtiga ugu yar laga soomo waxaana laga soomaa 11 saacadood, Cadceedduna waxay usoo baxdaa 06:57 subaxnimo waxyna dhacdaa 05:57galabnimo.

Dubai waxaa laga soomayaa 14 saacadood iyo 39 daqiiqo, maanta oo Isniin oo 1-da bisha Ramadhaan lagu jiro.

Dadka qaar ee ku sugan waqooyiga dalka Norway ayaa sanandkii la soo dhaafay waxay soomeen inkabadan 20 saacadood, taasi oo ak dhigan in saacado yar gudahood ay ku afuraan, kuna suxuurtaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews