berberatoday.com
Dawladda Ingiriiska Oo Saddexda Xisbi Ee Somaliland Baaq U Soo Jeedisay
May 7, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019.

Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.”

Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay,  sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.”

Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.”

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews