Xukuumadda Oo Boodhadh Ay Hargeysa Ku Dhejisay Ugu Jawaabtay Prof Samatar
May 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Magaalada Hargeysa waxa lagu dhejiyay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada madaxweynihii hore ee Somaliland AHUN Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo Kofi Anan oo soo noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana weheliya erayo kooban. Laguma sheegin boodhka sababta keentay in shaaricyada Hargeysa xilligan lagu xardho sawirradan laakiin, waxay u muuqata in xukuumaddu kaga jawaabayso hadallo uu jeediyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Boodhka waxa ku qoran weedho ah “Been ma sheegto taariikhdu, ma bukooto taariikhdu, mana baqato taariikhdu, barta oo barta oo barta,” waxaana lagu muujiyay in sawirku yahay mid lagu qaaday xarunta Qaramada Midodobay September 09, 1999 oo ay halkaasi ku kulmeen Kofi Annan iyo Marxuum Cigaal.