berberatoday.com
Ajax Iyo Tottenham? 90-daqiiqo Oo Geeri Ah Iyo Midkood Labadan Koox Oo Iska Xaadirin Doona Finalka
May 8, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Kooxda Ajax oo wacadaro la yaab leh ka dhigeysa xilli ciyaareedkan tartanka Champions league ayaa caawa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa Kooxda Tottenham kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League iyada oo la ogaa in kulankii lugta hore ay ku soo adkaadeen 1-0 .

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Macalinka Kooxda Ajax ayaa heysta saf buuxa oo taam u ah in uu kala hor tago Kooxda Tottenham xili kulankii lugta hore ay  ku soo adkaadeen ciida England .

Kooxda Ajax ayaan qabin wal wal badan oo xaga ciyaartoyda ah mana jiraan dhaawacyo hor leh oo soo gaaray laacibiintooda marka laga soo tago Carel Eiting oo dhaawac ku maqan.

Dhinaca kale Kooxda Tottenham laacibkooda Son Heung-Min ayaa diyaar ah ka dib markii uu ka soo laabtay ganaax uu ku maqnaa kulankii lugta hore waxaana laga yaabaa inuu kulankaan kasoo muuqdo, inkastoo uu casaan qaatay kulankii Bournemouth ee horyaalka Premier League oo qabsoomay sabtidii.

Jan Vertonghen oo dhaawac uu ka soo gaaray madaxa kulankii lugta hor ee ka dhacay garoonkooda ayaa Kulankan diyaar u noqon kara balse waxa uu mari doona tijaabo Caafimaad.

Ciyaartoyda kala ah Erik Lamela iyo dabmeedka daafaca midig ee Serge Aurier ayaa labaduba diyaar u ah kulankan kaddib muddo ay ku maqnaayeen dhaawac muraqa.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Ajax VS Tottenham (Champions League)

Goobta :   Johan Cruijff Arena

Goorta : 10:00 oo Habeenimo

Garsoorka :Felix Brych (Germany)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor inta aan la baasan :

Kaliya hal koox oo ka mid ah ayaa gaaray Finalka 17-kii koox ee ugu dambeeyey ee ku soo qasaara garoonkooda kulanka lugta koowaad ee wareega Semi-finalka, kooxda sidaa sameysana waa Kooxda Ajax oo ka soo laabtay guul daro 1-0 oo ay garoonkeeda kala kulantay Kooxda  Panathinaikos sanadkii 1995-96, balse Kooxda ree Holland ayaa Kulankii kugta labaad ku badisay 3-0.

Ajax ayaa isku dayi doonata in ay gaarto markii ugu horeysay finalka tartanka Champions league tan iyo sanadkii 1996 markaas oo ay qasaaro kala kulantay Kooxda Juventus.

Tottenham’ kulamadii  ay booqatay kooxaha ka dhisan Holland dhamaantood waxa ay ku soo dhamaanayeen bar-baro, waxaana xusid mudan in Kooxda Tottenham laga soo bilaabo sanadkii 2018 kaliya ay badisay hal kukan oo ka mid ah lix kulan oo ay marti ahaayeen tartanka Champions league.

Tottenham ayaa dhankeeda baadi goob ugu jirta sidii ay ku gaari lahayeen finalka tartanka Champions league markoodii ugu horeysay, sidookale waxa ay noqon doonaan kooxdii 40 aad oo kala duwa oo soo tiigsada finalka tartankan.

Ajax ayaa guul daro la’aan ah seddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda tartanka  Champions League  2 bar-baro iyo 1 qasaaro, waxa ayna noqon doonaan kooxdii afaraad ee sanad gudihii la yimaada guulooyinka ugu badan ee banaanka ah, horey waxaa sidaa u soo sameeyey kooxaha  Manchester United (2010-11), Juventus (2016-17) iyo Real Madrid (2017-18)

Son Heung-min ayaa dhaliyey  50% goolasha Kooxdiisa Tottenham’s ee ay xili ciyaareedkan ka dhaliyeen tartanka Champions League waxa uu dhaliyey 4 gool, waa Aasiyaanka ugu goolasha badan tartankan isaga oona dhaliyey 12 gool.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews