berberatoday.com
Liverpool Oo Guuldaro Xanuun Badan Dusha Usaartay Baarcelona Kana Reebtay Koobka Kooxaha Yurub Si Yaab Lehna Uga Badisay+Daawo Sawirada
May 8, 2019 - Written by admin

Liverpool(Berberatoday.com)-kooxda Liverpool ayaa si mucjiso leh ugu gudubtay finalka Champions league kaddib markii ay 4-0 kaga adkaadeen Kooxda Barcelona oo kulankii lugtii hore ku soo badisay 3-0.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Liverpool.

Reds ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan iyagoona la yimid goolka koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 7 aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidiga lagu magacaabo Origi kaddib markii uu ka faa’ideystay kubad uu iska soo saaray gool haye Stegen.

Kooxda Barcelona ayaa abuurtay 3 jaanis oo gool loo filan karay qeebtii koowaad ee ciyaarta, balse uma suurta galin in fursadahaan ay ka faa’ideystaan qeebtii hore.

Wiilasha macalin Klopp ayaa u muuqday kuwa ay ka go’antahay in ay iska soo yareen goolasha lagu leeyahay wallow ay la yimaadeen goolka.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedkii ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Kooxda Liverpool, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid ka xiiso badan qeebtii hore.

Markii dib la isagu soo laabtay Kooxda Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed mucjiso xambaarsanaa kaddib markii ay la yimaadeen labo gool oo deg deg.

Wijnaldum oo badal ku soo galay ciyaarta qeebtii dambe ayaa soo gaba gabeeyey kalsooni Barcelona ay ka laheed ciyaarta kaddib markii u dhaliyey labo gool wadna qabad ku noqday taageerayaasha Kooxda Barcelona.

Goolasha labada ah ee uu dhaliyey xidiga reer Holand ayaa yimid daqiiqadihii 54-aad iyo 56-aad waxaana mar qudha is badalay jawiga garoonka Anfield waxaa bilaabmay sawaxan mahrajaan wata.

Ciyaartoyda Barcelona waxaa la soo gudboonaaday jahwareer, layaab iyo kala daadsanaan kaddib markii laga bareejeeyey 3 dii gool ee ay garoonkooda ku soo dhaliyeen lugtii hore ciyaarta.

Barcelona sameen kuma leheen kulanka qeebtiisa koowaad sidaas oo ay tahayna markale waxaa yimid goolkii afaraad ee Kooxda Liverpool waxaana mar kale shabaqa gaadhay Devid Origi kaddib caawin uu ka helay Alexander-Arnold oo caawiyey goolkiisi labaad layaab leh oo khiyaamo khatara leh xambaarsan koone usoo dhigay.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo idlaaday 4-0 oo ay ku adkaatay kooxda Liverpool oo ka soo laabtay 3 gool oo laga soo dhaliyey kulankii lugta hore balse wadarta goolasha ee labada kulan waa 4-3

       

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Ciyaarta Iyio Qaabkii Mucjisada Ahaa Ee Goolasha Liverpool Udhalisay

https://youtu.be/66Oh4T6PQb0?t=393

 

 

Source Gool FM

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews