berberatoday.com
Shirkad Ay Soomaali Badan U Shaqeyso Oo Uu Mashiin Dadka Shaqada Ka Eryaayo
May 8, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Waxaa laga yaabaa in aad dhowr jeer ciwaannada ku aragteen “Mashiin loo sameeyey inuu la wareego shaqaada mustaqbalka”.

Arrintan ayaa waxaa goor horeba billowday sharikadda weyn ee Amazon – balse ma ahan sida aad u malaynaysid.

Bogga wararka ee The Verge ayaa ogaaday in mashiin otomaatik ah loo adeegsanayo in uu kormeero oo shaqada uu ka eryo shaqaalaha ka shaqeeya sharikadda Amazon ee xarumaha la socodka shaqaalaha.

Waxa uu ku salaysan yahay heerka wax soo saarka, sida laga soo xigtay macluumaad uu helay boggaas.

Sharikaddan weyn ee online-ka wax ku iibisa ayaa waxaa jiray in marar badan laga sheegaynayey mushaarka ay bixiso oo yar iyo in duruufo adag ay shaqaaluhu ku shaqeeyaan.

Shaqaalaha Soomaalida ah ee shirkada Amazon oo ka cabanaya xaaladaha shaqo ee shirkadaasi

Qof kamid ah shaqaalaha sharikaddaas oo ka shaqeeya dukaamada kaydadka ah ayaa sheegtay in aanay helin fursad ay biyo ku cabto sababtoo ah shaqada laga rabo ayaa adkaysay in xitaa ay hesho fasax yar oo ay suuliga ku aaddo.

Shaqaale hore oo sharikaddaas katirsanaa ayaa sheegay in shaqalaha loola dhaqmay sidii “mashiinkii” oo kale, si joogta ahna shaqada looga eryo iyadoo lagu andacoonayo in ay ku guul darreysteen in ay gaaraan bartilmaameedkii loo baahnaa.

Qoraalka uu daabacay bogga The Verge ayaa sheegaya in kumanaan shaqaale ah oo sharikaddaas ka shaqaynayey ay shaqooyinkoodii waayeen sababo la xiriira in ay ku guuldarraysteen in ay si dhakhso ah u kala gudbiyaan badeecooyinka.

Shirkadda ayaa bilaabaysa hannaan cusub oo qalab gacan ku samays ah ay uga dhigayso maamule.

Mashiinkan ayaa la soconaya, u digaya , shaqadana ka eryaya shaqaalaha iyadoo aanay jirin wax faragalin bani’aadam ah.

Sida uu sheegay bogga wararka ee the Verge, qaab rafcaan looga qaadan karo shaqo joojintaas ayaa kamid ah hannaankan cusub.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews