Akhriso”War Martiyeedkii Ka Soo Baxay Fadhigii Maanta Ee Golaha Wasiirada Somaliland .
May 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga.
Waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen siyaasada dhulka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada iyo muranka dhulka ee soo noq-noqday muddooyinkii u danbeeyey, siyaasaddan dhulku waxay diirada saaraysaa, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhulka, iyada oo goluhu guddi u saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu samayn doono siyaasadda dhulka.