Badhasaab Tiimbaro Iyo Maayar Ismaaciil Oo Ku Kala Aragti Duwan Xaaladda Degdegga Ah
May 9, 2019 - Written by admin
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbaro iyo maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ku kala aragti fog xaaladda degdegga ah ee madaxweyne Biixi ku soo rogay magaalada Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag. Maayarka ayaa ka soo horjeeda xayiraadda halka uu badhasaabku u arko in aanay wax mushkilad ah gobolka ku hayno bandowda la saaray.
Maayarka Ceerigaabo oo Dorraad wax laga waydiiyay xaaladda degdegga ah ayaa arrimo siyaasadeed la xidhiidhiyay arrinta “Horta marka ay is laynayaan reer Hargeysa iyo agagaarkeeda ama Awdal lama buunbuuniyo laakiin, marka Bariga wax ka dhacaan si fiican baa loo buunbuuniya, khayraadka in nalaga riixayo ayaanu u aragna oo la leeyahay sii riixa awalba anaga oo meel fog joognay,” ayuu yidhi Maayar Ismaaciil.