berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Farmaajo Ku Eedeeyey Inuu Hab Qabiil Uqaybinayo Dadka 2019-ka Xajka Tegaya
May 9, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisu Xasan Cali Khayre ku eedeeyey inay doonayaan inay hab qabyaalad ah u qaybiyaan Dadka Soomaaliya iyo Somaliland ka xajaya sannadkan 2019-ka.

Waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, sidoo kale ku eedeeyey Maamulka Farmaajo inay doonayaan inay hab qabiil ugu faa’iideeyaan shirkado Diyaaradeed oo gaar ah oo ay iyagu wataan oo ay doonayaan inay Dadka qaadaan, halka kuwii hore u qaadi jiray meesha laga saarayo.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanay Xukuumadda Somaliland ku baraarugsanayn waxa muqdisha ka socda, sidoo kalena aanay la dhigi karin amma iska difaaci karin dabinnada loo qorshaynayo, balse ay doonayaan inay qabtaan Shirweyne lagaga xisaabtami doono Somaliland waxa ka qaldan iyo wixii hore uga qaldamay-ba.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisu yimi ka dib markii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya shalay shaaciyey guddi kala saari doonta shirkadaha fulin doona adeegga Xajka dadka Soomaaliya ka tegaya sannadkan, kaas oo go’aankiisa Maamulka Puntland ku gacan-saydhay, ayaanay Xukuumadda Somaliland weli dhinaceeda wax war ah ka soo saarin.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas iyo kuwo kaleba faahfaahinaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan

 

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews