berberatoday.com
Milatariga Sudan Oo Sheegay In Dalkooda Lagu Xukumi Doono Shareecada Islaamka”
May 9, 2019 - Written by admin

Khartoum(Berberatoday.com)-Golaha Milateriga Suudaan ayaa ku adkaysanaya in shareecada islaamka ay aasaas u sii ahaato sharciga cusub ee dalka.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa golaha u gudbiyay liis ay ku dalbanayaan dowlad ku meel-gaadh ah, kadib markii bishii Abriil xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashir.

Laakiin 10-ka xubnood ee golaha milateriga ayaa sheegay in ay “shaki badan ka qabaan” fikirka ay soo jeediyeen iyo mudaaharaadyaasha oo ka gaabsaday sharciga Islaamka.

Wadahadaladii u dhexeeyay milateriga iyo mucaaradka ayaan wax heshiis ah laga gaarin.

Dalabka dibad-baxayaasha ayaa waxaa milateriga u gudbiyay Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka ee (DFCF), oo ka kooban isbahaysiga qolyaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo xisbiyada mucaaradka.

Arbacadii la soo dhaafay, Khalid Umar oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga DFCF isla markaasna ah dadka ugu cadcad xisbiga Congresska Suudaan, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan diidmada nabadeysan ee ka dhanka ah xukumadda illaa ay u rumoobeyso riyadooda .

Lt-Gen Shamseddine Kabbashi, oo ah afahayeenka Golaha Milleteriga ee sida ku meel gaarka ah uu haya talada dalkaasi (TMC) oo la wareegay xilka ka dib markii xilka laga qaaday Al Bashir ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay si wanaagsan u aqbaleen baaqooda.

Dastuurka u yaala dalka Suudaan wuxuu hadda dhigayaa in Shareecada Islaamka ay tahay sharciga lagu xukumo dalkaasi.

Dibadbaxayaashu waxay soo jeediyeen in awoodda loogu dhawaaqayo xaalad deg deg ah ee dalka ay ku ekaato golaha, hase ahaatee, golaha Milleteriga ee sida ku meel gaarka ah u haya talada dalkaasi waxay aaminsan yihiin in ay tahay mas’uuliyadda maamulka cusub oo aan weli la magacaabin.

Waxay sidoo kale codsadeen in muddada ku-meelgaarka ay ah socoto ilaa afar sano, iyadoo millatariguna rumaysan yahay inay ku egtahay laba sano oo kaliya.

Laakin si ay wadahadalo ugu dhameeyaan ismari waaga taagan, ayaa Sareeye Guud Kabbashi waxaa uu sheegay inay tahay in xili hore ay ka fekeraan sidii lix bilood gudahood ay u qaban lahayeen doorasho.

Sarkaalka ugu sareeya Golaha millateriga ayaa horaan BBC-da u sheegay in aysan aqbali doonin gole rayid oo ku-meel-gaar ah, bayaankaasi oo keenay dhaleeceyn ballaaran.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay aafafka hore ee saldhiga ciidammada Khartoum, iyaga oo ku ku baaqaya xukun rayid ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews