berberatoday.com
Nin Ka Cabsi Qaba In Sacuudigu Udilo Sidii Jamaal Khajoqji Loo Khaarajiyay Iyo Sababta
May 9, 2019 - Written by admin

Riyad(Berberatoday.com)-Nin u dhaq dhaqaaqa arrimaha dimuqraadiyadda ayaa sheegay in saraakiil u dhalatay dalka Norway, ay ka kaxeeyeen halka uu deganaa ka dib markii uu u sheegay in hanjabaado ay uga yimaaddeen dalka Sacuudiga.

Iyad el-Baghdadi ayaa BBC-da u sheegay in uu rumeysanyahay in loogu hanjabay shaqadiisa darteed oo ah masharuuca xuquuqda aadanaha ee dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Wargeyska The Guardian, macluumaadka la xiriira hanjabaada ayaa ka timid waaxada Sirdoonka Mareykanka ee CIA, taas oo markii dambe ay ogaatay dowladda Norway.

“Haddii aysan dooneyn in ay idilaan waxaa ay ka dhigantahay in aanay muuqan shaqadeydu” ayuu bartiisa Twitterka ku soo qoray, ka dib markii warkan uu soo baxay.

Ninkaan oo asal ahaan ka soo jeeda dhulka Falestiin ayaa inta badan wax ku qora baraha bulshada isaga oo aad u dhaliila hogaamiyaasha bariga dhexe.

Waxaa ka mid ah dadka uu dhaliilo dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan oo lagu eedeyay in uu gacan ka gaystay dilkii gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay wariyihii u dhashay Sacuudiga ee Jamal Khashoqji sannadkii hore.

Baghdadi oo ay aqoon isu lahaayeen Jamal Khajoqji ayaa Telefishinka Al-Jazeera ku yiri “qayb weyn ayey shaqadeyda ka ahayd labadii sano ee la soo dhaafay oo aan xooga ku saaray xaaladda xuquuqda aadamaha ee dalka Sacuudiga gaar ahaan markii la dilay saaxiibkay Jamal Khajoqji.”

Waaxda Sirdoonka ee dalka Mareykanka, Dowladda Norway iyo dowlqdda Sacuudiguba waa ay ka gaabsadeen arrintaan.

Maxaan ka ognahay?

Waxaa uu sheegay in markii ugu horreysay oo aheed 25-kii Abril, uu ka warqabay hanjabaad loo soo jeediyay ka dib markii Saraakiil u dhalatay dalka Norway ay ka soo hor muuqdeen gurigiisa isla markaana ay uga digeen in uu khatar ku jiro.

“Muddo dheer la ima ilaalin waxaan maqnaa labo ilaa sedax saac Mas’uuIiyiintuna waxa ay ii shegeen in inta aan joogo Caasimadda Norway ee Oslo aan ku joogi doono si nabad ah waxaana ay ii sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay i siin doonan ciidammo i ilaaliya ayuu Twitterka ku soo ku qoray.

Ciidammda Booliska ee Norwy ayaa u xaqiijiyay in Hanjabaada Sacuudiga uga timid ay la xiriirto Urur aan dowli aheyn oo lagu magacaabo Kawaakibi Foundation, kaas oo Baghdadi uu ka mid yahay dadkii Aas-aasay sida uu u sheegay BBC-da.

Wargeyska The Guardian, oo sheekadan baahiyay markii ugu horeeysay ayaa sheegay in Norway ay ka soo gaartay arrintaan sirdoon ka tiran Waaxda CIA, si kastaba ha ahaatee waaxda sirdoonka ilaa iyo hadda waa ay diiday in wax faahfahin ah ka bixio arrintan.

Siyaasadda Mareykanka ayaa qabta in ay waajib tahay in ay Hay’ddu ka digto hadii ay hayso macluumaad miisaaman ay ka dhalan karaan dilal ula kac ah dhaawac halis ah afduub koox ama qof intaba.

Baghdadi ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in uu joojiyay safar uu ku tagi lahaa wadammo dibadda ah talooyin uu ka helay Mas’uuliyiinta Norway awgeed.

Ninkaan oo leh bog gaar ah isla markaana can ah ayaa waxa bartiisa Twitter-ka ku xiran in ka badan 127,000 qof oo taageerayaal ah waxaana uu soo shaac baxay xiligii uu bilowday gu’gii carabta ee sannadkii 2011- kii.

Sannadkii 2015-kii ayaa ninkaan u dhashay Falastiin waxaa magangalyo laga siiyay dalka Norway kadib markii laga eryay waddanka isutagga Imaaraadka Carabta oo uu ku barbaaray.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews