Prof Samatar Iyo Cali Khaliif Oo Ku Kala Aragti Duwan Somaliland La Wada Leeyahay
May 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Somaliland la wada leeyahay, waxaanu sheegay Prof Samater ayaa sheegay in Somaliland la wada leeyahay,halka uu dhigiisa Prof Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay.
Ugu Horayn Prof Samater oo arrintaasi ka hadlaya ayaa sheegay sidan “Somaliland waa la wada leeyahay anniga Jawaabtaydu , markaa maxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .”