berberatoday.com
Senator Mustafe Qodax Oo Ganafka Ku Dhuftay Fursad Uu Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Sheegay Inay Khasaarisay Somaliland
May 9, 2019 - Written by admin

Senator Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inaanay somaliand wax fursad ahi ugu jirin in Hargeysa ay ka soo wada dagaan Farmaajo iyo Abiy Ahmed.

Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga jawaabay hada la soo yeedhay raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo ku saabsanaa in somaliland ay fursad u ahayd inay wada yimaadaan hogaamiyeyaasha somaliya iyo Itoobiya.

Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa hadalkiisa ku bilaabay:-

Fursad noocee ah ayaa Somaliland ugu jirtay inay raysalwasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne farmaajo ka degaan Egal international airport?

Raysal wasaare Abiy Axmed u daa nin dhalinyaro ah oo si weyn uga dhexmuuqda madaxda Africa ee kursiga jecel, shakina kuma jiro inuu sameeyay geesinimo iyo Kudhac dhabbaha u xaadhay isbedello iyo daahfur siyaasadeed (political breakthrough) oo wax weyn ka bedelay hab-nololeedka siyaasadeed ee bariga Africa.

aniga oo ku salaynaya aragtidayda siyaasadeed ee xal-u-helida arimaha Soomaaliya iyo Somaliland, iima muuqdo wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, waxaanan ku sababaynayaa arimahan soo socda:

1- arinta soomaaliya iyo Somaliland waa mid u baahan diyaar garaw dhab ah oo labada dhinacba u heensaystaan wadahadalo fool ka-fool ah iyo ka go’ naansho siyaasadeed oo xal u noqon kara is mari waaga, iyadoo hindisaha booqashadanina uu u ekaa mid kayimi Raysalwasaaraha dalka Ethiopia islamarkaana aanu jirin qorshe dawlada soomaaliya (all the Somali political stakeholders) isku raacsanaayeen sida; waxyaabaha somaliland looga tanaasuli karo iyo wixii lamid ah.

2- inta badan dadka reer somaliland oo dawlada madaxweyne Farmaajo u arka inay la gashay dagaal cad oo dhinaca siyaasada iyo bulshadaba ah; sida warqadii kasoo baxday wasaarada qorshaynta ee qaadhaan bixiyayaasha lagaga dalbanayay inaanay wax gargaar ah oon soomaaliya soo marin somaliland la siinin, qaabkii ay dawlada soomaaliya u waajahday arrintii DP world iyo arimo kale oo dawlada soomaaliya u samaynaysay si aamusnaan ah laakiin maxsuulka laga dheehanayey arimo awood sheegasho ah oo dawlada soomaaliya ay ka samaynaysay fagaarayaasha siyaasadda ee caalamiga ah, taasoo batrool kusii shubaysay kala fogaanshaha labada dhinac.

3-madaxweynaha somaliland oo ah madaxweyne shacabku doortay suurogal umay ahayn inuu sidaa dhibta yar ugu soo dhaweeyo hargeysa madaxweynaha soomaaliya oo isagu booqasho ku tagayey gobolada woqooyi.

Arimahaas iyo qaar kale oo aanan halkan kusoo koobi karin awgood ayaanay booqashadaasi natiijo wanaagsan u keenteen.

Waxbyaabaha ka dhalan kari lahaa hadday dhacdo booqashadaasi aniga aragtidayda gaaban:

A- in madaxweyne muuse biixi wajihi lahaa kacdoon dadweyne.

B- in xisbiyada mucaaradka somaliland ay suurogal ahaan lahayd inay ku qaadaan dagaal hubaysan.

C- iyo inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Ethiopia iyo somaliland kadib marka Abiy Axmed laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo qiiqa taayirada gubanayaa magaalada hadheeyeen, taasoon marna raali galiseen ninka ugu awooda Badan madaxda bariga iyo badhtamaha Africa.

Shin malaha haddaynu arintan ku kala aragti duwanahay waxa meelo badan oo anynu isku aragti ka nahay

Wa billaahi tawfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews