berberatoday.com
Wax Ka Ogow Xaqiiqooyinka Ciyaarta Kulanka Valencia Iyo Arsenal Iyo Waxa Laga Filayo
May 9, 2019 - Written by admin

Valencia(Berberatoday.com)-Kooxda Arsenal oo 3-1 kaga soo fara xalatay dhigeeda Kooxda Valencia kulankii lugta hore oo ka qabsoomay garoonkooda Emirates ayaa markan kula balansan Velencia oo joogto gurigeeda kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Europa League.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Xidiga reer Farance ee Francis Coquelin ayaa ganaax ku seegay kulankii  lugta hore , lakiin waxa uu xor u yahay inuu ka horyimaado kulankan kooxdiisii hore ee Gunners .

Geoffrey Kondogbia iyo Denis Cheryshev ayaa ah ciyaartoyda kaliya ee ka maqan safka kooxda Valenci ee caawa.

Dhinaca kale Kooxda Arsenal oo marti ah ayaa kulankan weyn doonta xidigihii mudooyinkan sida joogtada ugu maqnaa ee Rob Holding, Hector Bellerin, Danny Welbeck iyo Aaron Ramsey oo macasalaameeyey kooxda iyo dhamaan taageerayaasha kaddib markii la xaqiijiyey in uusan lug dambe garoonka soo dhigi doonin .

Ainsley Maitland-Niles ayaa seegay kukankii bar-baraha 1-1 ay la dhaafi waayeen Brighton, lkn daafacan dambeedka midig ayaa dib ugu soo laabanaya safka koowaad ee kooxdiisa.

Kabtan Laurent Koscielny ayaa dib ugu soo laaban doono safka Kooxda kaddi markii uu seegay kulankii Axada madaama uu macalinku go’aansaday in uu halis gilin xaalada caafimaad ee xidigiisa.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Velencia VS Arsenal (Europa League)

Goobta :   Estadio Mestalla

Goorta : 10:00 oo Habeenimo

Garsoorka : Danny Makkelie (Netherlands)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor inta aan la baasan :

Marnaba ma dhicin koox loogu soo adkaaday labo gool iyo wax ka badan kulanka lugta hore ee wareega Afar dhamaadka tartanka Uefa Cup oo hada loo yaqaano Europa League in ay u soo baxaan finalka tartanka tan iyo  Naadiga Espanyol oo sidan sameesay sanadkii 1988 ciyaar ay la qaateen Kooxda Brugge.

Guud ahaan , shan koox oo ka mid ah 28-kii  kooxood ee loogu soo badiyey labo gool iyo wax ka badan kulanka lugta hore ee wareega afar dhamaadka tartanka Europa League ayaa ugu dambeen u soo baxayey kaba dambeesta tartanka.

Iyada oo lagu darayo kulamadii finalka , Arsenal macakinkooda  Unai Emery ayaa badiyay 18 kii kulan ee wareega kala baxa tartanka Europa League, markii ugu dambeysey ee tartankan laga cirib tiro waxaa ka saartay Kooxda Valencia heerkiisa afar dhamaadka xili ciyaareedkii 2011-12 .

Arsenal marnaba maqasaarin kulan ka tirsan tartamada yurub iyada oo markaas kulanka lugta hore ku soo adkaatay labo gool iyo wax ka badan.

Valencia ayaa raadineysa finalkeedii ugu horeeyey ee Yurub tan iyo markii ay 2-0 ku garaaceen Kooxda Marseille sannadkii  2004 waxaana xilligaas macalin u ahaa Rafael Benitez

Kooxda Valencia ayaa badisay 3dii kulan ee ugu dambeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Arsenal tartamada oo dhan.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews