berberatoday.com
Akhriso”Qoraal Uu Axmed Siciid Cige Ka Sameeyay Taariikhda Xaaji Cabdikariim Xuseen(Cabdi Waraabe)
May 10, 2019 - Written by admin

Taariikhdiisa By Axmed Siciid Cige

Ilaahay ha naxariisto halyay Xaaji Cabdi waraabe , qoyskiisii iyo shacabkana samir iyo iimaan. waxaa lagu aasaya xabaalaha TOON berito 9ka subaxii sida uu ii sheegay Axmed xaaji Cabdi waraabe galabta .

Taariikhdii xaaji cabdi waraabe ilaahay ha u naxariistee :

Markii loo dabaaldegayay sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay mudadii ay carshiga boqortooyada Britain ku fadhiday boqoradda dalkaasi Quen Elizabeth ayaa waxaa ila soo xidhiidhay Mary Harper oo ah tafatiraha Afrika ee BBC world service si ay iigala tashato diyaarinta barnaamij ku saabsan qof u soo joogay caleemo saarkii boqoradda ee 1953 haddii Somaliland laga helaayo . waxaa shardi ahaa in qofkaasi shaqadii uu hayay xilligaasi fog ee lixdanka sano ka soo wareegtay uu imikana hayo . Mary Harper waxaan isla garanay in qofkaasi Somaliland uu noqon karo Xaaji Cabdi waraabe oo xilligaasi ahaa Caaqil haddana waa may 2012 uu hayo xilkii caaqilnimada iyo xubin golaha guurtida somaliland . Xaaji Cabdi waraabe wuxuu ka mid noqday lix qof oo caalamka oo dhan dalalkii barwaaqa-sooranka ee boqoradu xukumi jirtay oo somaliland ku jirtay laga soo xulay in taariikhdooda iyo xuskii caleemo saarkii boqoradda wax laga weydiiyo oo BBC barnaamij taxane ahaa ka diyaarisay 26may ilaa 1june 2012 . markaasi ayaan Xaaji Cabdi waraabe ka qaaday wareysi uu kaga hadlay taariikhdiisa oo faah-faahsan , waxaana aan ka diyaariyay warbixintan ilaahay ha u naxariistee :

“ Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf {xaaji Cabdi Waraabe } wuxuu ii sheegay inuu ku dhashay taariikh aanu sheegin deegaanka hadda uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee hargeysa oo miyi ahaa . wuxuu da’diisa ku sheegay oo ay noqoneysaa hadda 121 sano jir . Xaaji Cabdi waraabe wuxuu ku soo barbaaray yaraantiisa miyiga isagoo geel jire ahaa . wuxuu ii sheegay in naanaysta cabdi waraabe ka raacday kadib markii geeloodii oo laga dhacay uu ka hadhi waayay isagoo yar oo kuray ahaa oo uu soo dhiciyay geelii isagoo qori sitay , kadibna raggii ka dhacayay geelu ay ku yidhaahdeen waar kani waa waraabe kadib markii aan nin ka dilay ayuu yidhi mid kalena ka dhaawacay .
Xaaji Cabdi waraabe wuxuu sheegay inuu caaqilnimada beeshiisa uu qabtay bishii u horreysay ee sanadkii 1940 isagoo buu yidhi walaalkay iiga horreeyay caaqilnimada oo aan ka dhaxlay . wuxuu intaa ku daray in caaqilnimada ay ku khasbeen odayaashii reerku anigoo da’deydu yartahay iyagoo ii arkay nin nabad talis ah oo qaban kara jagaasi inkastoo buu yidhi rag iga waaweyni jireen reerka .
Wuxuu sheegay xaajigu in madaxnimada loo tashan jiray oo aanay ahayn sidan imika . Xaaji cabdi waraabe wuxuu iiga sheekeeyay raadraaca beeshiisu ku dooratay ee ay u tixgeliyeen xilkaasi caaqilnimada in loo doorto isagoo
yar .wuxuu sheegay in shir la qabtay oo rag la raaciyay isaga inta qori la siiyay oo lagu yidhi “ orodoo soo dil ninkii aabahaa dilay oo reer kale ahaa “..waxaan u tagnay buu yidhi xaajigu ninkii gurigiisii , wuxuu nagu yidhi maxaa dooneysaan ?..waxaan ku nidhi geel cararay ayaan dooneynaa ..ninkii wuxuu nagu yidhi buu yidhi caawa fadhiista oo aan idin marti geliyo berito ayaydin beesha dhex mari
ee ..wuxuu sheegay xaaji cabdi waraabe in ninkii aabahay dilay ee aan u socday in aan dilo uu wan noo qalay oo googol noo dhigay hargo iyo saamo ka samaysan ..roob ayaa yimid kadibna aqalkiisii ayaannu ka galnay oo xaaskiisii iyo gabadh yar oo ay ku curteen markaasi haysta ..qoryaha xabbadii ayaa dhuunta noogu jirta ayuu yidhi xaaji cabdi waraabe aannu rabnay in aanu ku dilno ninka na marti sooray ..daroorintii roobka wuxuu madaxa iga saaray ayuu yidhi masallihiisii ninkaasi ..markii roobkii qaaday ayuu ninkii xoolihii u sii daayay si ay xareedda roobka uga cabbaan ..ragii ila socday ayaa igu yidhi buu yidhi xaajigu ina keen imika ayuu daganyahee aad ku dhu
uga cararnee ..xaaji cabdi waraabe wuxuu sheegay inuu ugu jawaabay raggii isaga la socday “ waar mi ninka daroorin ii quudhi waayay ayaan xabbad u quudhaa “…halkaasi ayaa uu xaaji cabdi waraabe magac iyo sharaf ku helay oo deegaankii oo dhami isu sheegay ..waxaana dhacday in gabadhii yareyd ee uu ku curtay ninka uu rabay inuu diloo xaajigu la siiyay oo uu sugayay ilaa ay ka qaan gaadheysay oo uu guursaday oo caruur badan oo hana qaaday ay u dhashay xaaji cabdi waraabe .
Xaaji Cabdi waraabe wuxuu sheegay inuu xusuusto xafladdii loogu dhigay boqoradda dalka Britain quen Elizabeth 1953 gurigii dowlada state house ee hargeysa . Xaaji Cabdi waraabe wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii golaha guurtida somaliland isagoio shirweynayaashii nabadeynta beelaha iyo dhisidda dawladnimada Somaliland qayb weyn ka soo qaatay .
Cabi waraabe wuxuu sheegay inuu la soo shaqeeyay madaxdii soo martay somaliya iyo somalinad-ba sida: Adan Cadde , Cabdirashiid Cali sharma’arke , Maxamed Siyaad Barre , Cabdiraxmaan Axmed Cali
Tuur , Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , Daahir Rayaale Kaahin , Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo , iyo Muuse Biixi Cabdi . “ .
Xaaji Cabdi waraabe in badan ayaan wareystay oo kulanay waxaan ka bartay wax badan xagga dhaqanka iyo taariikhda siiba soomaalida . wuxuu ii sheegay inaanu isagu weligii ku talin in la dagaallamo oo uu madaxdii soomaalida oo dhan saaxiib la ahaa , laakiinse buu yidhi markii diyaarado iyo madaafiic lagu duqeeyay magalaada hargeysa ee uu deganaa 1988 oo dadkii ay laayeen ciidankii dowladdii somaliya ee difaacooda loo qoray uu markaasi go’aasaday in uu dagalkii SNM la safto oo uu difaaco naftiisa , dadkiisa iyo dalkiisa .
Xaaji Cabdi waraabe maalin annagoo joogna xarunta golaha guurtida ayuu igu yidhi “awow ninkaagan BBC-da dad badan oo kaa cabanaya ma arag wararkaaga ee maxaa sababay ?..maad qolyahan jaraa’idka ee wax walba qoraya la hadashid ?..waxaan ugu jawaabay xaaji cabdiyow anigu magaalada burco ayaan ku dhashay oo ku barbaaray oo aabahay ganacsade caan ahaa ayuu ka ahaa oo odayaasha oo dhan ayaa dukaankayaga iman jiray oo aan dhegeysan jiray ..odayaashaasi deegaan kasta way ka iman jireen min hadaaftimo , laascaanood ilaa boorama ilaa hargeysa , ilaa buuhoodle oo wax naga iibasan jiray , markii danbena xamar ayaan wax ku soo bartay oo shaqadii ka soo qabtay …sidaa darteed dadkii iyo deegaanadii oo dhan ayaan garanayaa oo waxbaa I xidhaya dhaqan ah , laakiinse wiil yar oo aan hargeysa ama borama dhafini wax walba wuu jiidhayaa oo waqtiga iska wata duruufihiisa ayaan ku idhi xaaji cabdi waraabe .

 

 

 

W/Q Axmed Siciid Cige

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews