berberatoday.com
Hoos U Dhac Xoogan Oo Ku Yimid Faa’iidooyinka Emirates Airline Iyo Sababta
May 10, 2019 - Written by admin

Dubai(Berberatoday.com)-Shirkadda diyaaradaha Emirates Airline ayaa shaacisay in hoos u dhac 69% uu ku yimid faa’iidooyinkeeda sababtuna ay tahay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo dollar-ka, ayada oo wajahday sanad aad u adag.

Emirates ayaa sheegtay in faa’iidada xilli sanadeedkeeda March 2018 illaa March 2019 ay ahayd 237 milyan oo dollar, taasi oo aad uga yar marka loo bar-bar dhigo sanadkii kaas ka horeeyey oo ay faa’iiday $765 milyan oo dollar.

“2018-2019 waxa uu ahaa sanad adag, waxqabadkeena ma uusan ahayn sidii aan jecleyn” waxaa sidaas yidhi guddoomiyaha iyo madaxa fulinta Emirates Group, Sheikh Ahmed bin Saeed Al-Maktoum, oo bayaan soo saaray.

“Qiimaha shidaalka oo sare u kacay iyo sarifka dollar-ka ee lacagaha kale oo xoogaystay ayaa hoos u dhigtay faa’iidadeenna” ayuu yidhi

Emirates ayaa sheegtay in lacagtii ay ugu talo-gashay shidaalka ee sanadkii tagay ay sare u kacday 25%, oo ay gaartay 8.4 bilyan oo dollar.

Shirkadda Emirates Airlines ayaa sanadkii tagay qaaday 58.6 milyan oo rakaab, taasi oo ku dhowaad la mid ah sanadkii kaas ka horeeyey.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews