berberatoday.com
Korneyl Cumar Nimcaale Oo Kula Taliyay Madaxweyne Biixi Inuu Ogolaado Inay Abiy Iyo Farmaajo Hargeysa Yimadaaan
May 10, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Korneyll Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa madaxweyne Biixi u soo jeediyay inuu qaabilo Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya haddii ay mar danbe damcaan inay Somaliland yimaadaan.

Oday Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa ku tilmaamay Somaliland inay ku sugan tahay xaalad adag loona baahan yahay in la gaadhsiiyo madaxbanaani buuxda, waxaanu madaxweynaha mar labaad u soo jeediyay inuu awoodiisa isugu geeyo arimaha dibada iyo ciidamada milatariga.

Col. Cumar Maxamuud Nimcaale oo u waramaayay Geeska Afrika ayaa u soo jeediyay madaxweynaha inuu dhagaysto Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay la socdaan, waxaanu rajo weyn ka muujiyay dhex dhexaadin uu galo raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abby Ahmed, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Waxaan jeclahay had iyo goor waxii ku saabsan aqoonsiga Somaliland waxaan jeclahay inaan wax ka idhaahdo, sababta oo ah waxa kaliyaata ee aan aduunka maanta ugu jeclahay waxa weeye in Somaliland la ictiraafo, Somaliland maanta waxay ku jirtaa gunimo inkasta oo horumar wanaagsan la sameeyay oo la wado, oo warshado iyo wadooyinba la sameeyay hadana nolol kasta oo wanaagsan waxaanay u soconayn gun hadaad tahay kuu dhadhami mayso. Markaas raysal wasaarahan Itobiya iyo Farmaajo oo Hargeysa  iman lahaa   ayaa dib loo celiyay anigu waxaan qabaa sida dad badan oo reer Somaliland ah ay ka qabaan in aan la celin, ayay ila tahay, waxay ahayd in la eego nimankani waxay la socdaan aniga waxa igu sii adkeeyay inay yimaadaan wararka faraha badan ee aan ka maqlay raysal wasaaraha Itoobiya waa nin jecel oo ku magac baxay in dawladaha Geeska Afrika inay nolol ku wada noolaadaan oo heshiis ku wada noolaadaan oo aanay colaadi ka jirin ee uu gacanta isku wada saaro, waana ninka tuuladii Baadhama la odhan jiray ee kumanaanku kaga dhinteen iyaga iyo Eratariya si ay nabadi u dhalato ku celiyay ee gacanta ka saaray Eratariya, markaas waxaan anigu qaatayba in aanu iska yimaadeene inuu Farmaajo ka dhaadhiciyay colaada Somaliland iyo Somaliya waxa ka wanaagsan wax wada qabsi, iska horimaadna waxba lagu kala heli maayo, markaas inuu ka dhaadhiciyay inay ka fiican tahay inay heshiiyaan.”

Waxa uu sheegay Cumar Nimcaale inay la tahay inay raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya Farmaajo isla qaateen in Somaliland waxay ku dhegantahay oo madaxbanaani ah loo daayo “ haddii cidi kula talisay madaxweynaha oo ay yidhaahdeen Farmaajo hadduu socdo dadkaa inagu kacaaya dad ku kacaaya ma jiraan, reer Somaliland waa ay ogyihiin in meelo badan la tagay oo meelo badan lagu wada hadlay markaas hadal ma diidana,  Somaliland ayaa inagu kacaysaa waa qalad, haddii uu leeyahay waxa loo aqoonsanayaa haduu Farmaajo Hargeysa yimaado in Somaliland ay tahay gobal Somaliya ka mid ah taasna waa uu ku qaldan yahay ninka taladaas bixiyay ,hadalka waxaan ku soo gaabinayaa madaxweyne maalintii lagu doortay waanigii gurigaaga ku kulanay laba wax ayaan kugula taliyay wax alle iyo waxii ay Somaliland awood leedahay waxii ay dhaqaale leedahay meel kale ha marin ee laba wax gali, kow xornimo oo ictiraaf ku keen oo wufuud  badan dir oo Yurub,Amerika iyo Afrikaba gaala baxa, talabaadna waxay ahayd ciidamada qalabka sida gaar ahaan milatariga wax aad hayso gali, imikana tiibaan ku leeyahay haddii fursad kale ay timaado oo raysal wasaarahaas Itoobiya anigu waan ku kalsoonahaye iyo Farmaajo ay yidhaahdaan aan nimaadno waxaan ku leeyahay umadda reer Somaliland sidaas ayay kaa rabaan.”

 

 

 

Sources Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews