berberatoday.com
Warbaahinta Masar Maxay ka Tidhi Booqashadii Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku Yimid Somaliland?
May 10, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbaahinta Masaarida ayaa ka warantay socdaalkii Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibadda Masar u qaabilsan Afrika Hamdy Sanad Loza uu ku tagay Somaliland iyo Kulamadii uu la yeeshay madaxda kala duwan ee JSL.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay Egyptian Today oo baahisay socdaalka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda  Masaarida,waxaanay warkii ay ka qortay u dhignaa sidan:-

“Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Afrika, Hamdy Sanad Loza, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa sheegay inay danaynayaan  inay adkeeyaan  iskaashiga ay la leeyihiin Masar gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Kalluumasiga, Beeraha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masar  Mr. Hamdy Sanad Loza ayaa sheegay in booqashadiisa Somaliland ay ka dhalatay  Siyaasadda Masar ay ku doonayso inay kor ugu qaado kaalinta ay ku leedahay Gobolka Geeska Afrika.

Muddadii  Mr. Loza  uu booqashada ku joogay Somaliland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Kalluumaysiga.

Egptian Today  waxay intaas ku dartay in Wasiir Ku-xigeenka Masaaraddu uu booqday Jaamacadda Hargeysa oo ay falanqeeyeen sida ay isku weydaarsan karaan khubarrada iyo  Tababarrada. Sidoo kalena wuxuu  la kulmay bulshada reer Masar ee ku sugan Somaliland.

Geesta kalena Wakaallada Wararka Masar ayaa daabacday warbixin ay kaga hadleen booqashada Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku tagay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews