berberatoday.com
Iiraan Oo Joojisay Inay Adduunka U Iib Geyso Macdanta Uranium-Ta Iyo Biyaha Culus
May 11, 2019 - Written by admin

Tahran(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Iiraan Mudane Xasan Rowxaani ayaa ku hanjabay inuu guud ahaan ba ka baxayo heshiiska Nuclear-ka ee hore uu adduunka uu kula jiray, balse uu dhawaan ka baxay dalka Maraykanku.

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay hakad galineyso heshiiskii farsamada Nuclear-ka, kadib markii uu sii xummaaday xidhiidhka u dhaxeeya Tehran iyo Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Rowxaani ayaa sheegay inuu gudaha dalkiisa ku hayn doono Uranium-ka la tayeeyay, halkii uu dibedda u iib geyn lahaa, sida ku xusan heshiiska, waxaanu yidhi, “Maanta dowladda Islaamiga ah ee Iiraan waxay hakineysaa labo arrimood, haddaan si kale u dhigo, waxaan joojin doonnaa iibinta labo shey. Laga billaabo maanta, lama iibin doono macdanta uranium-ta ama biyaha culus toona. Go’aanka aan ku dhawaaqnay wuxuu socon doonaa muddo 60 maalmood ah”, ayuu yidhi Rowxaani.

Waxa uu sidoo kale ku gooddiyay in laba bilood gudahood uu dib ugu billaabi doono barnaamijka sare u qaadidda tayada uranium-ka.

Heshiiskii 2015-kii ayaa looga gol lahaa in lagu dhimo hammiga Nuclear-ka ee Iran, taas beddelkeedana dalkaasi laga khafiifiyo cunaqabateynta saaran.

Balse xukuumadda Tehran ayaa culeys badan kala kulmaysa cunaqabateynta uu dhawaan kusoo rogay Maraykanka. waxaanay doonaysaa in dalalka Yurub ay tallaabo degdeg ah qaadaan oo ay wax ka qabtaan xaaladda haysata Iiraan.

Haddii ay taas dhici weydana, Iiraan waxa ay tilmaamaysaa inay ka fiirsan doonto gebi ahaanba heshiiska, taasi ayaa caqabad weyn ku ah dalalka Yurub, oo ku dhex warreeray Iiraaniyiinta iyo maamulka Trump.

Faransiiska ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii joogteynta heshiiska, isla markaana uu ka fekerayo qaab ay dalalka Yurub ku caawin karaan dhaqaalaha Iiraan ee ay saamaysay cunaqabateynta Maraykanka.

Haseyeeshee, Wasiirka gaashaandhigga Faransiiska, Florence Parly, ayaa Iran uga digtay ka bixitaanka heshiiska.

Muddo sanad ah oo uu Maraykanka bannaanka ka ahaa heshiiska ayaa Iiraan waxay ilaalinaysay qodobada lagu heshiiyay, balse hadda waxa ay u muuqataa in dulqaadka uu ka sii dhammaanayo xukuumadda Tehran.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews