berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bulshada Ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cabdi-Waraabe
May 11, 2019 - Written by admin

Hargeysa(BErberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Qoyskii, Eheladii, Golayaasha Qaranka iyo guud ahaan ba Bulshada Somaliland ka tacsiyeeyey Geerida ku timid Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa ALLE ha u naxariisto’e.

Haddaba, Dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynaha oo ay ku ladhneyd taariikhdii iyo waayihii nololeed iyo doorkii halgameed iyo Qaranimo ee uu soo qaatay Marxuum Xildhibaan Cabdi-Waraabe, oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Tacsi Madaxweyne:

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa. waxaanu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland, tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay diin jaceyl dad ururin iyo daacadnimo,  wuxuuna caan ku ahaa nabadda  iyo isu keenida bulshada isagoo saaxada ku soo galay odaynimo geyiga Somaliland wada gaadhay Marxuum xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf, wuxu ahaa oday halgan adag u soo galay aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka guurtida Somaliland, wuxuuna ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland, isagoo ahaa musdanbeed arrin kasta oo murugta loola noqdo, u odayeynta toosinta iyo tanaasulka siyaasiyiinta dalka, madaxdii qaranka soo hoggaamisayna uu la garab taagnaa talo iyo tusaale, waxaana lagu xasuusan doonaa samo-talis talo suuban. Ruugcadaa u soo rafaaday rumaynta qaranka Somaliland oo uu baal dahab ah ka galay sooyaalka taariikhdiisuna ku xusnaan doonto.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Aamiin Aamiin Aamiin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews