Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
May 11, 2019 - Written by admin
Bosaso(Berberatoday.com)-Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ee maamul goboleedka Puntland.
Qaraxa oo sida la sheegay ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda darajada koowaad ayaa dadka ku dhaawacmay waxa ay u badan yihiin dad rayid ah, waxase sidoo kale ku jira ilaalada maxkamaddaasi.
Wararka ay BBC-du heshay ayaa sheegaya in qaraxaasi loo maleynayo in uu ahaa bambo gacmeed balse ilaa haatan arrintaasi lama xaqiijin.