Xildhibaan Reer Sweden Ah Oo Su’aal-geliyey Waxa Dawladdiisu U Aqoonsan Wayday Somaliland
May 12, 2019 - Written by admin
Stocklom(Berberatoday.com)-Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey waxa Dawladdiisu u aqoonsan wayday Somaliland.
Magnus Oscarsson oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku yimid Somaliland, isla-markaana arkay Nabadgalyada ka jirta Somaliland, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland, sidaa darteedna uu Dawladdiisa Sweden waydiinayo sababta ay aqoonsi u siin la’dahay Somaliland, maaddaama buu yidh ay buuxisay nidaamkii Dawladnimo ee looga baahnaa Dal raadinaya in Dawladaha Caalamku ictiraafaan.