berberatoday.com
2 Hablood oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaal Somaliland oo Warbaahinta Toronto U Waramay
May 13, 2019 - Written by admin

Ottawa(Berberatoday.com)-Laba hablood oo Canadian ah oo laga sii daayey xabsi ku yaala Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in loola dhaqmay badhqan aad u foolxun.

2 Hablood Oo Laga Sii Daayey Xabsi Ku Yaal Somaliland Oo Warbaahinta Toronto U Waramay

Labadan gabdhood ayaa la kala yidhaa Maymuuna Cabdi, oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 24 jir, oo bileyska Somaliland ay soo xidheen bishii January, balse markii dambe la sii daayey bishii April ee sanadkan 2019-ka.

Labada hablood ee Maymuuna Cabdi iyo Karima Watts ayaa markii hore ka yimid magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaanay maanta ka dageen garoonka diyaaradaha ee Toronto ee Pearson International Airport.

Ciidamada bileyska ee magaalada Hargeysa ayaa xidhay 19-kii January iyagoo ku eedaynaya inay cabeen khamri. Waxaana lagu riday xukun inkastoo la soo daayey 23-kii April ee sanadkan.

“Waxaan dareemayaa xornimo farabadan. Hubaashi waxay ahayd waxa na soo maray wax adag,” ayay u sheegtay Maymuuna Cabdi wariyeyaashii ku sugnaa madaarka wax yar ka dib markii ay dalkaasi Canada ay gaadheen, waxaanay intaasi ku dartay “Anigu aadbaan u daalanahay oo aan u walaacsanahay.”

Maymouna Cabdi ayaa rumaysan in lagu sii daayey kadib markii ay warbaahintu ay wax ka qoreen xadhiga foosha xun ee ay la kulmeen.

Waxaanay intaasi ku dartay in xafiiska qunsuliyada Canada ee halkaasi aanu u caawin iyaga sidii ay uga baahnaayeen.

Waxaana labadan gabdhood lagu xukumay laba bilood iyo badh oo xabsi ah. Waxaanu sheegay Qareen Mubaarik Maxamuud oo u doodayey hablahani in dacwad oogihii kiisku aanu maxkamada hor keenin wax cadayn ah oo sheegaya in habluhu ay khamri cabeen.

Waxaana warbixin diyaarsan oo ay akhriday Maymouna Cabdi ay ku sheegtay in dadku ay waydiinayeen sababta ay u tageen meel sidaas khatar u ah sida Somaliland oo kale. Waxanay sheegtay in ay u tageen labaduudu waajibaad saarnaa oo ahaa inay caawiyaan dumar gaboodfalo wajahayey.

Waxaanay Karima Watts iyo Maymouna Cabdi ay sheegeen inay la kulmeen dhibaatooyin iyo gaboodfalo nafsi ahaanee oo ka soo gaadhay xabsiga, waxaanay tilmaantay in la duudsiiyey in dawo loo keeno, la talin sharci oo ay helaan iyo xataa cunto iyo biyo inay helaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews