6 Ruux Oo Ku Geeriyooday Roobab Xoogan Ka Da’ay Hargeysa Caawa Afurkii
May 13, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Roobab xooggan oo watay dabaylo oo ka da’ay magaalaada Hargeysa ayaa sababay khasaaro naf iyo maal isugu jirta.
Waxaana ilaa iyo hada la ogyahay in ay shan qof ay ku dhinteen, Sagaal qof oo kalena waxa laga badbaadiyey daad ka dhashay roob xoogle oo caawa ka da’ay magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda.
Waxa Laba qof ay ku dhinteen markii Laydh ku qabsaday xaafadda Sheekh Madar ee caasimadda Hargeysa, halka saddex qofna ay ku dhinteen Baabuur daad qaaday.