Al-Shabaab Oo Shaacisay Shaqada Uu Qaban Jiray Injineerkii Turkish-Ka Ahaa Ee Ay Maanta Qaraxa La Beegsadeen.
May 13, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)–Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay Injineer Turkish ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Soomaali ku sugneyd goobta.
Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xidhay gaadhi HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaadhiga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in ninka la dilay uusan ahayn Ijineer balse uu ahaa sarkaal ciidan oo ka howl-gali jiray saldhigga Turkiga.