berberatoday.com
Injineer U Dhashay Dalka Turkiga Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Moqdisho
May 13, 2019 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo duhurnimadii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada KM4 iyo Taleex ee bartamaha magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Sida wararka sheegayaan qaraxa waxaa lagu dilay Injineer Ajnabi ah oo u dhashay dalka Turkiga, kaasoo marayay xiliga qaraxa uu dhacayay ka soo horjeedka Kaalinta Shidaalka lagu iibiyo ee ku hortaala Jaamacada City.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa inoo sheegay in Injineerka Turkiga ah uu u geeiryooday dhaawac daran oo ka soo gaaray qaraxa, kaasoo ku dhex dhintay qeybta gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Digfeer.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa nooca Dhejiska lagu xiray qeybta hore ee gaariga uu watay mas’uulkan, kaasoo ahaa noociisa HILUX, iyadoo burbur xooggan uu gaarsiiyay gaariga.

Laamaha amaanka oo durba tagay halka qaraxa uu ka dhacay, ayaa sameynayay baaritaano ku aadan halka gaariga qaraxa looga soo xiray, iyagoo su’aalo weydiinaya qof Soomaali ah oo qaraxa ka badbaaday, kaasoo saarnaa gaariga Injineerka Turkiga ah ee la dilay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews