berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Ingiriis-ka Ee Somaliya
May 13, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan  Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta dalka ku yimid safar shaqo.

Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska oo ay Somaliland ku leedahay door muuqda oo caalamku ku ixtiraamo, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dal.

Image may contain: 1 person, smiling, standing, suit and indoor

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku.

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, shoes, suit and indoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews