Proffesor Samatar Oo Shaacisay Xisbi Soo Laaban Kara Haddii La Furo Ururada Somaliland
May 13, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Ismaaciil Samater ayaa sheegay in ay suurtagal tahay inay soo noqoto xuluufadii Siyaasadda ee gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu ka sanqadhiyey inay xisbi ay ku midaysan-yihiin samaystaan marka axsaabta dib loo furo, isagoo sheegay in aanu jirin wax u diiday haddii ay u bixiyaan USP 2.
Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan ” Dee dadka qaarkii waxa laga yaabaa inay leeyihiin malaa waxa lasoo celinayaa jeegaantii ugu horaysay xaga siyaasadda ee Somaliland ka dhac-da oo la odhan jiray united Somali Party “USP” oo Awdal iyo Bariga fog ay labadaasi isku xidhmaan, taasi berigaana xalaal ayey ahayd iminkana wey xalaaloobi kartaa .”