berberatoday.com
Somaliland Oo Jananka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Djibouti Ka Horjoogsatay In Uu Lughaya Tago.
May 13, 2019 - Written by Berbera Today

Lawyacado(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan magaalo xuduudeedka Lawyacado ayaa maanta diiday in uu xuduuda ka soo talaabo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Djibouti Col. Maxamed Jaamac Ducaale oo damacsanaa in uu booqdo miyiga deegaanada Xeebaha Degmada Lughaya oo ay qoyskiisu degen yihiin.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakada Heemaal u xaqiijiyay in Taliyaha Rugta Booliska ee Lawyacado oo bixiyay amarka ay ciidamada Boolisku ku hor istaageen Taliye Maxamed Jaamac oo u cuskaday in aanu wax fasax ah oo uu ku sii daayo aanu ka haysan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadan Iimaan, isla markaana aanay jirin cid kale oo ka hoosaysa oo uu amar ka qaato.

Dhinaca kale Taliyahan reer Djibouti ee la is hor taagay ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu imaatinkiisa ku wargaliyay Badhasaabka Gobolka Salal, Mawliid Maxamed Nuur, isla markaana aanu ugu iman Lawyacado, imaatinka Sarkaalkan sarena aanu ku war galin masuuliyiinta Booliska ee Lawyacado, arintuna ay u muuqato in uu isaga laftiisu iska indha tiray in ogolaasho uu dalka ku soo galo la siiyo Taliye Maxamed Jaamac.

Col. Maxamed Jaamac ayaa ah masuul xidhiidh dhaw la leh dadka ku dhaqan xeebaha gobolka Awdal, isla markaana lagu xasuusto gurmadii lixaadka lahaa ee uu horkacayay ee taakulada balaadhan soo gaadhsiiyay dadka ku dhaqan degaanadaas ee ay ku dhufatay duufaantii Sagar, taageeradaas oo ahayd mid aan la iloobi Karin oo samata bixisay nolosha dad badan oo ay duufaanadu wax yeeleen.Marka loo soo laabto dhacdan u dambaysay ee Taliye Maxamed Jaamac la isku hortaagay ayaa waxa ay u muuqataa mid dhaawac wayn ku ah xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Djibouti, isla markaana iftiiminaysa qayrul masuul nimada
Badhasaabka gobolka Salal oo isagu ah mid u xuub siibtay in uu gudin af leh ku garaaco xidhiidhka labadan dal maadaama oo aanay dhacdadani ahayn tii u horaysay ee masuuliyad daradiisu ay sababtay.

Si kastaba ha ahaatee, falkan u dambeeyay ayaa waxa walaac xoogan ka muujiyay dadka degaanka Saylac iyo Lughaya, waxana uu walaacaasi salka ku hayaa sida ay uga xun yihiin in masuulkan reer Djibouti ee rafiiqa dhaw la ah deegaanadaas loo maleego qorshe u muuq egg cunaqabatayn oo la isku horgaagayo booqashada u kuur galka ah ee ay samaynayaan, sidoo kale waxa ay dadka degaanku ka walaacsan yihiin masuuliyiinta socod baradka ah hogaanka u haysa degaanadoodu inta uu dhan yahay waqtiga u dhiman ee ay awooda loo dhiibay ku amar ku taaglaynayaan iyaga oo aan waxba ka qaban duruufaha aasaasiga ah ee degaanadaas ku habsaday, maalin walbana ay muuqato inay is hortaagayaan Saraakiisha reer Djibouti ee aan walaalaha nahay ee u dhaga nuqul, una heelan inay marwalba, gurmad iyo taakulaynba la barbarjoogaan xeebaha gobolka.

 

 

 

Sources Awdalmadia.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews