berberatoday.com
Warqad Furan Oo Kusocota Madaxda Qaranka” W/Q Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Maxamed
May 13, 2019 - Written by Berbera Today

JAMHUURIYADA SOMALILAND
DHAMBAAL FURAN
KU: Mudane Muuse Biixi Cabdi M/Weynaha JSL
KU: Mudane Suleymaan Maxamuud Aaden G/G/Guurtidda JSL
KU: Mudane Baashe Maxamed Faarax G/G/Wakiilada JSL
KU: Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka JSL
KU: Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi G/Xisbiga Wadani
KU: Mudane Faysal Cali Xuseen G/Xisbiga UCID
OG: Hogaanada Xisbiyada Qaranka
OG: Madax-dhaqameed ka JSL
OG: Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Madaxa banana

UJEEDO; Jihaynta & isku tanaasulka geedi-socodka siyaasadeed iyo dardar-galinta hanaanka doorashooyinka JSL.

Mudaneyaal, aniga oo ah Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Maxamed, waxaan si iskey ah isugu xilqaamay in aan idinla wadaago tallo furan, taasi oo ay ujeedadeedu tahay hoge-tusaalayn ku saabsan hanaanka siyaasadeed ee aynu rabno in aynu ku hogaamino qarankan JSL.
Waxayna si toos ah ugu socotaa dhamaan madaxda qaranka, xisbiyada, xukuumada, dhamaan hay`adaha qaranka, siyaasiyiinta madaxa banana, culimada, madaxdhaqameedka & cid kasta oo xilkeeda ama maqaamkeeda wax ku tari karta dalka iyo dadkiisaba. marka laga eego ujeedka xog-warankayga waxa uu si dhaw ugu xog waramayaa dad weynaha jsl, una iftiiminayaa arrimaha ku hor gadaman horu socodka iyo adkeynta hay`adadaha dawladnimo ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danta guud, xaqiijinta himilada & hiigsiga dawlad aduunyada ka mid noqota.
Mudaneyaal sida aynu wada ognahay labadii sano ee lasoo dhaafay, waxa fagaareyaasha siyaasadeeda ee dalka hadheeyay hirdan & loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya xisbiyada qaranka kuwaasi oo raad taban kureebay bulsho weynta jsl ee ku dhaqan dalka iyo dibadiisaba, Hirdamadaasi oo dabray hanaan keenii dimuqraadiyadeed iyo geedi socod kii doorashooyinka, taasi oo weeqday ahdaaftii guud ee aynu qaranka gaadhsiin lahayn.

Mudaneyaal, sida aynu wada ogsoonahay, marka laga soo tago shirar fara ku tiris ah oo ay madaxda xisbiyadu ku kulmeen, kuwaasi oo arrimihii ka soo baxay aanay midho dhalin, waxa gabi` ahaanba istaagay kulamadii lagu gor`fayn lahaa geedi socodka siyaasada guud ee dimuqraadiyada, qabsoomida doorashooyinka dalka & danihii guud ee qaranka. Taasina waxay meesha ka saartay tallo-wadaagii iyo wada tashigii lagu toosin lahaa talada dalka.
Mudaneyaal, hirdanka siyaasadeed waxa uu sidoo kale waxyeelo gaadhsiiyay himiladii shacabka jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo dareemaya in wakhti farobadan oo wax badani ku qabsoomi lahaayeen uu halkaasi ku baylahay, natiijadii ka dhalatayna ay saamayn taban ku yeelatay dadka iyo dalkaba.
Hadaba mudaneyaal aniga oo ku qanacsan in sababaha dhaliyey niyad-jabka ay shacabka jsl ay ugu horayso yoo-yootanka & muranada madhalayska ah ee xisbiyadu warbaahinta isku marinayaan iyo dib u dhacyada doorashooyinka, Ayaan go`aan saday inaan masuuliyiinta qaranka iyo dadweynahaba la wadaago qoraal kooban oo xambaarsan araggtidayda & talooyinkayga ku aadan xal u helida arrimaha ku hor gudban dar-dargalinta geedi socodka doorashooyinka iyo hiigsig dawlad ka mid noqota quruumaha midoobay & baahida waynee loo qabo midnimo iyo is fahamka hogaanada siyaasadeed ee dalka, taas oo lagama maarmaan u ah in guul laga gaadho himilada shacabka jsl u qabaan dardar galinta doorashooyinka, adkaynta dawladnimadeena iyo wadashaqaynta asxaabteena siyaasadeed. In la helo isfaham siyaasadeed iyo tallo-wadaag.
Mudaneyaal, Somaliland waa dal ku jira marxalad aynu rabno in aynu aduunyada kaga kasbano ictiraaf taasi oo u baahan xasilooni siyaasadeed iyo mid nabadgalyo, waana in mudnaanta lasiiyo lana siiyo tix-galin gaar ah oo loo wada dhanyahay. Marka laga tago in ay marwalba jiri karaan araggtida kala duwanaanshaho ee la xidhiidha arrimaha qaarkood, hadana waxa looga baahanyahay hogaanada siyaasadeed inay iska xilsaraan sidii loo helilaha loona ilaalin lahaa is fahamka siyaasadeed iyo in talooyinka waaweyn ee dalka marwalba laga yeesho wada xaajood iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.
Mudaneyaal, inkasta oo wakhti farabadani kusoo lumay khilaafyada siyaasadeed, waxaan jeclaystay inaan kusoo jeediyo dareenka madaxda xisbiyada qaranka iyo dhamaan siyaasiyiinta madaxa banaanba in loo istaago sidii loo soo afjarilahaa ismaandhaafka jira, loona gaadhi lahaa is af-garad siyaasadeed oo ku dhisan tallo-wadaag. Waxaanan soo jeedinayaa in la garawsado marxalada dalku ku jiro iyo himilada guud ee qaranku hiiganayo, Sidaas darteed wakhtiga aynu haysanaa wuu yaryahaye waa inaynu ka foojignaano inay inagu dhacdo dibu dhac dambe oo doorasho.
Mudaneyaal, sidaan hore u soo sheegay arrimaha waaweyn ee ku gadaaman dhaqaajinta iyo dadajinta arrimaha doorashooyinta qaranka, waxa ay u baahan yihiin heshiisyo siyaasadeed oo marwalba noqda saldhiga laga abaabulo hawlaha qaranka ee la doonayo in loo fuliyo si wada jir ah is la wakhtigan hada la joogo, Sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah inaan heshiis siyaasadeed ka wada gaadhno hawlaha doorashooyinka ee hoos ku xusan:-
Xoojinta kulamada lagu gorfaynayo arrimaha doorashooyinka.
Rasmiyaynta & xoojinta xidhiidhka xisbiyada qaranka, dawlada, komishinka doorashooyinka iyo baarlamaanka, si loo dhamaystiro loona dardar galiyo baabi`inta caqabadaha hortaagan doorashooyinlka.
Xoojinta kaalinta baarlamaanku ka qaadan karo dhamaystirka dhanka shuruucda looga baahaaanyahay qabsoomida doorashooyinka.
Dhamaan daneeye yaasha doorashada oo dardar-galiya dhamaystirka dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka 2019-ka.
Joogtaynta dhamaan madaxda qaranka, daneeye yaasha iyo iska warqab kooda, si loo abuuru jawi is faham iyo wada tashi oo lagu horu marinayo qabsoomida doorasho xor oo xalaal ah, laguna wada kalsoon yahay.
In la sameeyo dib u eegista iyo is waafajinta wakhtiga kooban ee qab soomida doorashada.
Dib usoo celinta hanaanka is ixtiraam iyo furfurnaan siyaasadeedka lagama maarmaanka u ah dimuqraadiyada iyo ilaalinta karaamada qaranimo, taasi oo ay gun-dhig u tahay dhawrista xuquuqda aas-aasiga ah ee mu`adinka sida; xoriyada ra`yiga & af-kaarta xoriyada oo ku salaysan shareecada islaamka.
Xisbiyo, xukuumad & qaadhaan-bixiye, hawlaha qaranka sida gaarka ah looga sugayo:
Dhamaystirka iyo dhisida guddida doorashooyinka qaranka ee cusub.
Dhamaystirka shuruucda looga baahan yahay dhamaystirka doorashooyinka.
Dhamaystirka diwaan galinta iyo kaadh qaybinta.
Dhamaystirka dhamaan dhaqaalaha doorashada.

Mudaneyaal, waxaan sigaar ah carabka ugu adkaynayaa, in arrimaha kor ku xusan badankoodu leeyihiin mudnaan gaar ah xiligan, loona baahanyahay in la qorsheeyo lana asteeyo xiliga la dhamaystirayo, iyada oo laga duulayo wakhtiga kooban ee inaga xiga doorasha Dec. 12-2019.
Mudaneyaal, ugu dambayntii waxa xil-wayni inaga saaranyahay sharafta & karaamada shacabka reer Somaliland ee u heelan jiritaanka iyo horumarinta wadankooda, waxaanay inaga sugayaan waxqabad dhab ah oo la taaban karo. Waxay sidoo ale inaga sugayaan midnimo, isku tanaasul, is ixtiraam dhab ah & inagoo si wadajir ah danta guud ee qaranka uga horu marino danaha gaarka ah ee hanka xil-doonista ama xil-haysiga, waana in aynu ka waantowno qabka qofeed iyo qiilka qabiilka ee la adeegsado marwalba oo wax la diidayo ama wax la doonayo.

“Iga Gudooma xushmad & qadarin”

Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Maxamed
Gudoomiyaha G/Arrimaha Gudaha Nabadgalyada & Difaaca ee G/Guurtidda
Xilmaxamed@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews