Xafiiska Madaxweynaha Kenya Oo Ka Jawaabey Wararka Sheegaya In La La’la Yahay Madaxweynihii Dalkaas
May 13, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Xafiiska madaxweynaha dalka Kenya ayaa ugu dambayn ka jawaabtay eedaymihii Twitterka loo soo mariyay ee sheegayay in la la’yahay.
Afhayeenka madaxweynaha Kanze Dena oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay la yaabtay qaar ka mid ah Twitter-rada la soo qorayo, isla markaasna uu madaxweyne Kenyatta joogo isla markaasna uu shaqaynayo.
Baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayay arrintan waxayna afgarad ka dhigteen #whereisuhuru and #findpresidentuhuru oo macno ahaan u dhaw #away uhuru iyo #raadiya Uhuru