Aad Sharaf Yeealatide Run Sheeg Noqo…. Xaaji Cabdi Waraabe.
May 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hadii Uu AHN Xaaji Cabdi Xuseen Ka Sii Digay Habdhaqanka Xafiiltanka Iyo Ku Xumeeda Xambaarsan Ee Siyaasiyiinta Muxaafid Iyo Mucaarad..Shacbigana Muxuu Ku Yidhi.?…..Qaybtii 2aad:
Xaaji Cabdi Xuseen A.H.N Xikmadda Iyo Garashada Waafiga Ah Ee Rabbi Ku Galladay Waxay Runtii Ahayd Bad-Weyn Aan Dhammaanayn.
Taas Awgeed Waxaan Filayaa Inuu Ninba Intii Uu Karayay Ka Maalay Xaajiga,Waayo-Aragnimada,Taariikhda Iyo Hoga Tusaalaha Toolmoon Ee Dhaxalka Waara U Noqon Karay Bulshada.
Taasina Waxay Kollay Ku Xidhan Tahay, Qofba Sida uu Ugu Diyaar Garoobo Iyo Dabcan Heerka Xogta Uu Ka Haystay Kaalmihii Kala Duwanaa Ee Uu Ka Ciyaaray Xaajigu, Meertooyinkii Waayaha Mujtamaca Uu Ka Soo Jeeday Ee Somaliland.