Koronto Yaraan Soo Food Saartay Degaanada Dalka Itoobiya.
May 14, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Korontada ayaa inta badan laga gooyaa degaanada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, iyadoo Korontadii joogtada ahayd ay toddobaadkii maalin ama maalin badhkeed ka maqnaanayso magaalooyinka degaanada uu dalku ka kooban yahay.
Haddaba meelaha uu saamaynta ku yeeshay Koronto yarida ka jirta Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo intii la galay bisha Ramadaan ay Shacabka degaanku dhibaato kala kulmeen Korontada oo xilligii afurka la samaysan lahaa inta badan korontadu ay maqan tahay.
Shirkadda Quwada Korontada ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay maalmaha Korontada laga jarayo degaanada kale ee dalka, balse degaanka Soomaalida masii sheegto xilliyada ay korontadu ka maqnaanayso.